Wargelinta ilaalinta macluumaadka cilmibaarista 2024 (ilmaha dhashay 2024)

6.3.2024

Warbixin loogu talogalay ka qaybqaatayaasha cilmibaarista

Sharciga guud ee ilaalinta macluumaadka ee midowga yurub (EU), Qodobada 12–14.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) waxay hirgelinaysaa baaritaan FinLapset, kaas oo soo saara macluumaadka ku saabsan caafimaadka, ladnaanta, ka qaybgalka, isticmaalka adeegyada iyo waaya-aragnimada qoysaska leh carruurta dhashay 2024, iyo waxyaalaha saamaynta ku leh. Halkan waxaa laguugu qeexayaa sida xogtaada shaqsiga loo ilaalinayo.

Asalku waxa weeye in ka qaybqaadashada cilmibaarista ay tahay mid ikhtiyaari ah. Ma jirto wax dhib ah oo adiga ku soo waajahaysa, haddii aadan ka qaybqaadan cilmibaaristaan, ama aad dhexda ku joojiso ka qaybqaadashada cilmibaaristan. Qaybta 17-aad ee warbixintaan ayaa si faahfaahsan loogu sheegayaa, xuquuqda adiga aad leedahay iyo sida aad saamaynta ugu yeelan kartid isticmaalka macluumaadkaaga.

1. Diiwaanhayaha cilmibaarista

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga, THL
PL 30
00271 Helsinki
tel. 029 524 6000

Qofka lagala soo xiriiraayo arrimaha ku saabsan cilmibaarista: Maaret Vuorenmaa, Cilmibaare khaas ah
Cinwaan: THL, PL 30, 00271 HKI
Telefoon: 029 524 6000 (xiriirinta)
Iimeyl: [email protected].

2. Sharraxaad ku saabsan mashruuca cilmibaarista iyo ujeeddada isticmaalka macluumaadka shakhsi ahaaneed

Baadhitaanka FinLapset hadafkiisu waa soosaaris macluumaad dhammaystiran oo ku saabsan caafimaadka, ladnaanta iyo ka qaybqaadashada carruurta dhashay 2024 iyo qoysaskooda, iyo sidoo kale isbeddellada ku dhaca. Daraasadu waxay sidoo kale baari doontaa isticmaalka fasaxa waalidka, adeegyada waxbarashada, sooshalka iyo caafimaadka ee qoysaska carruurta leh iyo isbeddelada isticmaalka adeegyada. Uruurinta macluumaadkan waa qayb ka mid ah waajibsharciyeedka waaxda caafimaadka iyo daryeelka (THL). Maclumaadka waxaa loo isticmaalayaa cilmi-baaris.

Koox asaaska baadhitaanka waa dhammaan carruurta ku dhalatay Finland sannadka 2024 (N ≈ 42,000) iyo waalidiintooda rasmiga ah (N ≈ 84,000). Muunadda cilmi-baarista waxaa ku jira carruurta dhashay 5.2.-31.3.2024 iyo 22.4.-11.8.2024 (N ≈ 19,000) iyo waalidka rasmiga ah ee ilmaha (N ≈ 38,000).

Qalabka cilmi-baadhistu waa laba heer:

  1. Xogta laga aruurinayo waalidka iyo heer shaqsiyeedka caruurta dhalatay 2024 iyo waalidiintooda xoqta rejistarka oo qayb ka ah muunada cilmi-baarista. Waalidiinta waxaa laga codsanaa inay ka qaybqaataan su’aalaha cilmibaariska markuu ilmuhu jiro 2-4 bilood iyo hadey suurgogal tahay markale markuu ilmuhu jiro 4, 6, 9-10 iyo 11-12 jir ilaa intey cilmibaadhistu socoto.

    Ujeeddada ugu weyn waa helida macluumaadka waayo-aragnimada waalidka ee mowduucyada soo socda: 1) caafimaadka qoyska iyo daryeelka, 2) awoodda waalidku iyo hab nolol maalmeedka, iyo 3) baahida adeegyada qoyska iyo ku filnaanta adeegyada. Carruurta si shaqsi ah loogama ururinayo xog cilmibaaris ah.

    Macluumaadka wareysiga si gaarah ayaa loo habeynayaa, loona taxliilinayaa. Waxaana loo sheegayaa waalidiinta in maclumaadka lagu nifaaqayo maclumaadyo diwaanka rasmiga (diiwaangelinta ay maamusho DVV, THL, Kela, Gudiga waxbarashada iyo tirokoobka Finland).

    Markad ka jawaabtid su’alaha baadhitaanka waxad ogolaaneysaa in la isku geeyo jawaabahaaga iyo maclumaadkaaga iyo kan ilmahaaga dhashay sannadka 2024. Haddii labada waalid ee ilmaha ay ka jawaabaan xogururinta, macluumaadka waalidka iyo ilmahooda waa la isku dari doonaa. Macluumaadka la diiwaan geliyo ee ku saabsan ilmaha walaalihiis laguma dari doono cilmi-baarista ah.

    Xogta shakhsiyeedka waxaa loo isticmaalidoonaa la sooxidhiidhka xogbixiyaha iyo ku nifaaqidda xogta diwaannada an ku soo sheegnay. Ku nifaaqidda xog diwaaneedka ka dib xogta aqoonsiga tooska ah waa laga tirayaa cilmi baarista.
     
  2. Xogta diiwaanka oo keliya, macluumaadka xogshaqsiyeedka ka kooban macluumaadka dhammaan carruurta ku dhalatay Finland 2024 iyo waalidkood. Intaa waxaa dheer, diwaanka inaanka ka garano sannadka 2024 caruurta dhalatay walaalahood iyo diwaanmaclumaadkooda o xittaa lagu lagu daridoono baadhitaanka. Cilmi baaristu waxay ka faa’ideysanaysaa xogdiiwaaneedka ay maamulaan DVV, THL, Kela, Guddiga Waxbarashada, Tirakoobka Finland iyo Maamulka Canshuuraha. Baadhitaankan laguma darayo xogweydiinta lagasoo aruriyey xogbixiyayaasha, saameynna kuma yeelaneyso ka qaybqaadashada baadhitaanka.

Natiijooyinka cilmi-baarista waxaa lagu daabacayaa THL bogiisa internetka, warbixinnada iyo daabacaadyada guud ee la midka ah, iyo sidoo kale taxane daabacaadeed asag-qiyaasid maray oo cilmi-baarista laga sameeyay. Macluumaadka cilmi-baarista waxaa loo adeegsadaa, tusaale; xagga qiimaynta, qorshaynta iyo horumarinta waxbarashada, qorshaynta, qiimaanta iyo morharinta adeega sooshalka iyo caafimaadka qaranka.

Cilmibaadhaha agabkuu isticmaalayo lagama garan karo shaqsi.

Faahfaahinta dheeraadka ah ee ku saabsan cilmibaarista waxaa laga helayaa cinwaanka:
FinBarn

3. Qaybaha ku shuraakoobay samaynta mashruuca iyo qaybsanka mas’uuliyada

THL waxaa ay u shaqaynaysaa diiwaan hayaha sida ku qeexan nidaamka ilaalinta macluumaadka.

THL waxay sidoo kale wadashaqayn cilmi-baaris ah la samaysaa kooxaha cilmibaarista ee ku sugan hay'adaha kale ee ku jira qaabka heshiisyada iskaashiga cilmibaarista. Hawl wadeenada ka socda hay’adaha iskaashiga waxaa lagu wareejiyaa qayb xaddidan oo kamid ah xogta cilmibaadhista iyada laga reebayo macluumaadka aqoonsiga shakhsi ahaaneed. Hay’ada lagu wareejiyo xogtu waxay noqonaysaa diiwaan ilaaliye inta uu shaqaynayo heshiiska iskaashigu. Hay’adaha iskaashiga ee u shaqaynaya diiwaanhayayaasha waxaa lagu daabacayaa lifaaqa 1aad ee lasocda dhokumentigan ilaalinta macluumaadka.

Markasta THL ayaa mas'uul ka ah waajibaadka maamulka xog ilaalinta sida lagu qeexay ama lagu faahfaahiyay xeerka ilaalinta xogta.

Dadka la baaraayo waxaa ay THL u gudbin karaan dhammaan codsiyada khuseeya xuquuqahooda la diiwaangeliyay, waxaana ay u sii gudbin kartaa diiwaanhayayaaha kale ee iyada la shaqaynaaya.

4. Madaxa ka mas’uulka ah cilmibaarista ama kooxda ka mas’uulka ah

Mashruuca cilmibaarista waxaa fulinaysa THL, iyadoo ay iska kaashanayaan koox cilmibaarista ee FinLapset.

Cinwaanka: PL 30, 00271 Helsinki
Telefoonka: 029 524 6000 (xiriirinta)
Iimeylka: [email protected].

5. Halaka lagala xiriiri karo mas’uulka ilaalinta macluumaadka

Iimeylka qaabilsan ilaalinta macluumaadka ee THL: tietosuoja(at)thl.fi.

6. Hirgaliyayaasha cilmibaarista

Daraasaddan waxaa fuliya cilmi-baarayaal ka socda kooxda FinLapset ee waaxda saameynta kor u qaadeysa ee qeybta caafimaadka iyo wanaaga ee THL (kana billaabo 1.8.2024 waaxda dadka). Cilmibaarayaasha ka socda waaxaha kale ee THL iyo hay'adaha iskaashiga la leh ayaa sidoo kale ka qaybqaadanaya falanqaynta xogta iyo warbixinta natiijooyinka (eeg. lifaaq 1).

7. Magaca, nooca iyo muddada cilmibaadhista

Magaca cilmibaarista: baadhitaanka FinCaruur oo dhashay sannadka 2024 reerahooda.

Cilmibaaristani waa mid ku taxan mid hore, taasoo xogaha diiwaangashan ee shakhsi ahaaneed iyo macluumaadka laga soo ururiyay xogweydiinta looga faa’iidaysnaayaa in la hubiyo nololwanaagga ama daryeelka qoysaska haysta carruurta dhalatay sannadkii 2024-ka.

Labada waalid ee ilmaha dhalay 2024, shaqsi ahaan ayaa loogu soo diri doonaa xog-ururin u gaar ah, kaas o badankiisa isku mid yihiin xogwareysigii 2024, markuu ilmuhu jiray 2-4 bilood. Waalidka ilmaha ayaa laga yaabaa in laga codsado ka qaybqaadashada xog aruurinta mar labaad, marxalada la codka cilmibaadhista.

Xogta diiwaanka ilmaha dhashay 2024 iyo waalidkii ayaa loo isticmaali doonaa cilmibaarista ilaa uu ilmaha dhashay 2024 ka gaadhayo 18 jir. Macluumaadka diiwaanka ilmaha walaalihiis waaxaa lala soconayaa ilaa uu walaalku ka gaarayo ugu badnaan 18 sanno.

Ilmaha dhashay 2024, walaalaha iyo waalidka ilmaha xogtooda diiwaanka waa la cusboonaysiin doonaa inta lagu jiro marxaladda la socodka.

Markay dhammaato cilmibaarista ogtadiwaanka (ugu dambayn 2047), agabka cilmibaarista waxa lagu kaydin doonaa sida qaybta 16 ku xusan.

8. Xuquuqda isticmaalka macluumaadka shakhsi ahaaneed

Waxyaabaha lagu saleeyay isticmaalka macluumaadka shakhsi ahaaneed waa sida soo socota, iyadoo la raacayo qodobka 6, cutubka 1-aad ee xeerka Ilaalinta xogta guud ee Midowga Yurub.:

Cilmibaaris cilmiyeed ama taariikheed oo khuseeya danta guud ah, tirakoobista ama awoodda guud ee uu leeyahay diiwaan hayaha (sharciga ilaalinta maclumaadka 4 §, qaybta 3)

9. Macluumaadka shakhsi ahaaneed ee xasaasiga ah (aan la shaacin kain)

Cilmibaarista waxaa lagu falanqaynaayaa macluumaadka shakshi ahaaneed ee xasaasiga ah ee soo socda:

  • Jinsiga ama asalka jinsiga uu qofku ka soo jeedo
  • Macluumaadka caafimaadka.

Falanqaynta macluumaadka xasaasiga ah waxay ku salaysan tahay xaaladahan gaarka ah ee soo socda sida uu qabo qodobka 9-aad, qaybtiisa 2-aad ee xeerka ilaalinta xogta ama qaybta 6-aad ee sharciga ilaalinta xogta:

  • Ujeeddada tirakoobka ama ujeeddada cilmibaarista taariikheed iyo midda cilmiyeed
  • Kaydinta ujeedada guud ee cilmibaarista iyo agabka hidaha iyo dhaqanka
  • Falanqayntu waa mid loo baahan yahay oo muhiimad u leh danta guud
  • Falanqayntu waxay lagama maarmaan u tahay danta guud ee caafimaadka dadweynaha.

10. Waa maxay xogta shakhsi ahaaneed ee ay ka kooban tahay xogta cilmibaaristu

Cilmibaarista FinCaruur xogaruurinta waxaa lagu agoonayaa waalidku qiimaynta ay ka sameeyaan naftooda iyo caruutooda taas oo ku saabsan ladnaanta, caafimaadka, ka qaybqaadashada iyo, caafimaadka, ka qaybgalka iyo isticmaalka adeegyada waxbarashada, iyo sooshalka iyo caafimaadka isticmaalkooda.

Macluumaadka ilmaha iyo waalidka ku saabsan ee aga soo ururinay diiwaanka rasmiga ah:

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga:

  • Macluumaadka kujira diiwaanka ilmaha dhashay (tusaale ahaan. uurka, dhalashada macluumaadka la socodka xaaladda ee ilmaha ku saabsan)
  • Diiwaanka daryeelka caafimaadka iyo soshalka (HILMO) iyo daryeelka caafimaadka guud (AvoHilmo) macluumaadka (tusaale maalintaas tagtay, diyagnoos ja falgalka la sameeyey)
  • Diiwaanka badbaadada carruurta (xilligii uu bilaabatay iyo xilligii uu dhammaatay meeleyntii guriga dibaddiisa ahayd ee ilmaha lagu sameeyay)
  • Macluumaadka diiwaanka ee lacagta kaalmada nolosha (caydha).

Xafiiska hawlgabka qaranka (Kela):

  • Macluumaadka gunnooyinka ee ay qaataan qoysaska carruurta leh (tusaale ahaan, caawimaadda hooyada, lacagta waalidka, taageerada daryeelka guriga ama lacagta ama si aan joogto ahayn loo qaato ee daryeelka, taageerada isticmaalka adeegyada gaarka loo leeyahay)
  • Macluumaadka baxnaaninta (tusaale ahaan. sababta sharci ahaaned ee baxnaaninta,
  • camaliyada baxnaaninta, cudur qofka laga helay, hadafka ugu wayn iyo wakhtiyada ballan tagista ee la soo guday)
  • Macluumaadka warqada daawada ee Kanta iyo tan Kela (tusaale ahaan. daawooyinka la qoray iyo daawooyinka la soo iibsaday ee lagu bixiyay caymiska xanuunka, iyo sidoo kale koodhka daawada ee ATC)
  • Macluumaadka magdhabista daawada (tusaale ahaan. taariikhda bilaabista iyo cudur qofka laga helau)
  • Taageerada naafannimada (tusaale ahaan. taariikhda bilaabista iyo cudur qofka laga helay)
  • Macluumaadka helista lacagmaalmeedka bukaanka (tusaale ahaan. tariikhada bilowga awood qabasho la’aanta shaqada, koodhka xirfadda iyo koodhka cudur aqoonsiga)
  • Caymiska shaqala’aanta (tusaale ahaan. maalinka lacag bixinta, sababta magdhowga iyo qaybta gunnada), Lacagta kabista ijaarka ee guud (tusaale ahaan. taariikhda go’aanka, xaaladda nololeed ee codsadaha, tirada ilmaha aan weli gaarin da’dii qaangaarka), taageerada masruufka ilmaha (tusaale ahaan. bisha lacag bixinta iyo koodhka qaybta gunnada) lacagta kaalmada nolosha (tusaale ahaan. bisha lacag bixinta, xirfadda iyo doorka lacag qaatuhu uu qoyska kaga jiro) macluumaadka kharashka.

Xarunta tirokoobka:
Macluumaadka waxbarashada iyo xirfadda, heerka dhaqan-dhaqaale, howsha ugu muhiimsan ee uu hayo, dakhliga qoyska, sababta dhimashada iyo xogta muddada dheer ee macluumaadka shakhsiyeed (FOLK).

Guddiga waxbarashada:

  • Diiwaanka xanaanooyinka, Varda (tusaale ahaan. taariikhada bilowga iyo taariikhda dhammaadka ee xanaanada ilmaha, tirada saacadaha toddobaadkii)
  • Diiwaanka sanadka ugu danbeeya ee xanaanada iyo waxbarashada aasaasiga ah, Koski (macluumaadka ku saabsan xuquuqda xanaanada ilmaha, macluumaadka ku saabsan dheereynta ama kordhinta waajibaadka waxbarasho, qaababka caawinta, iyo qaybaha go’aanka waxbarashada khaaska ah).

Maamulka canshuuraha (la socodka xogdiiwaaneed kaliya):
Diiwaanka dakhliga (macluumaadka ku saabsan mushaarka iyo gunnooyinka).

Xarnta dhijitaalka iyo diiwaangelinta macluumaadka dadweynaha:
Registerka guud ee dadweynaha (koobiga ay isticmaasho THL): magaca, cinwaanka, jinsiga, taariikhda iyo goobta dhalashada, degmada dhalashada, waddanka dalka ka baxsan ee dhalashada, maalinka dalka loo soo guuray, jinsiyadda, xaaladda guur ahaan, taariikhda guurka, luqadda hooyo, luqadda dano- qabsashada, xiriirka lammaane ahaan, tirada dadka guriga kuwada nool, doorka waalidka, macluumaadka ku saabsan qofka uu ilmuhu la nool yahay, suuraggalnimada maalinka dhimashada, halka ay ku dhasheen ilmaha awoowgood iyo ayeeydood.

Macluumaadka aqoonsiga ayaa loo baahan yahay si looga soo saaro macluumaadka diiwaannada rasmiga ah iyo isku dhafka macluumaadka kala duwan. Xogta dhabta ah ee cilmibaarista lagu falanqeynaayo, aqoonsiyada tooska ah ee gaarka ah meesha waa laga saaray.

11. Ilahee ayaa macluumaadka shaksi ahaaneed laga soo uruurinayaa

THL, Macadka hawlgabka qaranka, Xarunta tirokoobka, Guddiga waxbarashada, Maamulka canshuuraha, Xarnta dhijitaalka iyo diiwaangelinta macluumaadka dadweynaha, xogbixiyeyaasha xogwareesigaysigey warqadaha ku bixiyeen.

12. U wareejinta ama gudbinta macluumaadka cid ka baxsan kooxda cilmibaarayaasha ah

Sida sharcigu yahay macluuumaadka looma wareejinayo ama looma gudbinaayo cid ka baxsan kooxda cilmibaarayaasha ah. Xogaha cilmibaarista ee la soo uruuriyay waxaa loo isticmaalaya sida uu dhigaayo sharciga tirsigiisu yahay (668/2008) ee haya’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL, waxaana cidda wadashaqayntu ka dhexeyso loogu wareejinayaa qaab heshiis ah oo ku qoran (eeg lifaaqa 1). THL waxaa ay go’aan ka gaartaa arrimaha ku saabsan cilmibaarista buuxisa shuruudaha loo baahanyahay ee THL uga degsan cilmibaarista.

THL waxay ku wareejisay awoodda oggolaanshaha xogta, maamulka oggolaanshaha xogta ee waaxda bulshada iyo caafimaadka (Findata), taas oo ugu horrayn mas'uul ka ah oggolaanshaha xogta codsadaha ka baxsan THL. Sidoo kale marka la eego oggolaanshaha xogta ee ay bixiso Findata, isticmaalka qorshaysan iyo bixinta xogta, waa inay waafaqsan tahay ujeedooyinka xogta loo bixiyay.

13. Macluumaadka oo loo wareejiyo meel ka baxsan waddamada midowga Yurub

Sida caadiga ah, macluumaadka looma wareejiyo ama looma gudbiyo meel ka baxsan Midowga Yurub ama aagga dhaqaalaha Yurub. Ogolaanshaha isticmaalka cilmibaarista cilmiyaysan ama falanqayn istaatiistikeed ayaa la siin karaa cidda ay wadashaqayntu ka dhexeyso THL, Kaddib marka meesha laga saaro arrinka ah in qofka aan si toos ah loo aqoonsan karin.

14. Go’aan qaadasho toosa ama ootomaatig ah

Lama sameeyo wax go’aan qaadasho ootomaatig ah.

15. Mabaadii'da ilaalinta xogta shakhsi ahaaneed

Maclumaadku waa kuwo sir ah.

Maluumaadka lagu falanqaynaayo nidaamka kombiyuutarka:

  • magaca isticmaalaha
  • eray-sireed
  • diiwaangelinta isticmaalka
  • Ilaalinta gelitaanka dadka aanay khusaynin

Habaynta macluumaadka aqoonsiga ee tooska ah:
aqoonsiga tooska ah ee macluumaadka waa laga saarayaa heerarka wax falanqaynta.

16. Falanqaynta macluumaadka shakhsi ahaaneed marka cilmibaaristu dhammaato kaddib

Xogta cilmibaarista waa la diwaangelinayaa:
iyadoo aan lahayn wax macluumaad ah oo lagu aqoonsanaayo.

Xaggee ayaa xogta lagu kaydinayaa, muddo intee le’g ayaase la kaydinayaa: Arkiifiyada qaranka ayaa si joogto ah loogu kaydinayaa

17. Xuquuqda qofka diiwaan gashan iyo suuraggalnimada ah xaddidaadda arrinkaas

Sharciga ilaalinta macluumaadka waxa uu u dammaanad qaadayaa qofka la baaraha ah xuquuqo gaar ah, kuwaasoo uu la baraauhu ku xaqiijin karo hirgelinta ilaalinta sirta ee xuquuqaha aasaasiga ah. Haddii aad doonaysid inaad isticmaasho xuquuqahaaga, waxaad samaysaa sida ku qoran hagistaan:
Tietosuoja

Haddii kale waxaad la soo xiriirtaa xafiiska kirjaamo-da ee THL [kirjaamo(at)thl.fi] ama qofka lagu soo xusay qaybta 1.

Hadii THL ay awoodi wayso aqoonsigaaga maaddooyinka baaritaanka, markaa ma jirto wax ah xuquuuqda gelitaan macluumaadka, sixitaankeeda ama saaristeedaba.

Baajinta ama kansalidda ogolaanshaha (nidaamka ilaalinta macluumaadka qodobka 7)

Waxaad xaq u leedahay inaad baajiso ama kansasho oggolaanshihii aad bixisay, haddii falanqaynta macluumaadka ay tahay mid ku salaysan oggolaansho. Ka noqoshada ogolaanshaha ma saameynayso sharcinnimada habraaca lagu sameeyay waxyaabaha lagu falanqeeyay ogolaanshaha.

Xuquuqda ah gelitaanka macluumaadka (nidaamka ilaalinta macluumaadka qodobka 15)

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho macluumaadka ah, ma lagu falanqaynayaa macluumaadkaaga cilmibaarista, maxayse yihiin macluuaadkaaga aqoonsi ee la falanqaynaayo. Sidoo kale haddii aad doonayso waxaad codsan kartaa koobiga macluumaadka la falanqaynaayo.

Xuquuqda ku saabsan sixitaanka macluumaadka (nidaamka ilaalinta macluumaadka qodobka 16)

Haddii ay jiraan khaladaad ama wax aan hagaagsanayn oo ku jira macluumaadkaaga shakhsiyeed ee la falanqaynaayo, waxaad xaq u leedahay inaad codsato sixiddooda ama dhamaystiriddooda.

Xuquuqda ah saarista macluumaadka (nidaamka ilaalinta macluumaadka qodobka 17)

Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato tirtista ama baabi’inta xogtaada gaarka ah xaaladaha soo socda:

  • Hadda looma baahna ujeedooyinka loo ururiyay ama kuwa kale ee loo falanqeeyay macluumaadka shakhsiga ah.
  • Aad la noqoto ogolaanshaha falanqayntu ku salaysan tahay, mana jirto wax kale oo sharci ah oo falanqayntu ay ku salaysan tahay.
  • Aad diiddan tahay falanqaynta, mana jirto sabab kale oo macquul ah oo falanqayntu ku salaysan tahay.
  • Macluumaadka shakhsiga ah oo si sharci darro ah loo maamulay; ama
  • Macluumaadka shakhsiga ah waa in la tirtiraa si loogu hoggaansamo waajibaadka qaanuuniga ah ee khuseeya maamulaha xogta ee ku salaysan sharciga ururka ama sharciga dowladaha xubinta ka ah.

Ka weecashada xuquuqda

Xuquuqda lagu sheegay qaybtan 17 ee xuquuqda aad leedahay iyo ka weecashada xuquuqda waxa laga yaabaa in sidii ay ahayd laga weeciyo, iyadoo lagu salaynaayo sharciga ilaalinta macluumaadka illaa xad ay xuquuqdu ka hortagto gaaritaanka ujeeddadii cilmibaarista cilmiyaysan ama taariikheed ah ama ujeeddo tirokoobka ama ay si weyn u adkaynayaan. Baahida loo qabo in laga leexdo xuquuqda mar walba si mid mid ahaan ah ayaa loo qiimaynayaa.

Haddii aad doonaysid inaad isticmaasho xuquuqahaaga, waxaad samaysaa sida ku qoran hagistaan:
Tietosuoja

La soo xiriirista

Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan xuquuqaha, waxaad la soo xiriirtaa xafiiska kirjaamo-da ee THL [kirjaamo(at)thl.fi] ama qofka lagu soo xusay qaybta 1.

Xuquuqda ah in arrinka loo gudbiyo wakiilka ilaalinta xogta si uu u falanqeeyo

Waxaad xaq u leedahay inaad arrinka u gudbiso xafiiska wakiilka ilaalinta macluumaadka si uu u falanqeeyo, haddii aad u aragato ama ay kuula muuqato, in markii la falanqaynaayay macluumaadkaaga lagu xadgudbay sharciga ilaalinta macluumaadka.

Halka aad kala soo xiriiri karto:

Xafiiksa wakiilka ilaalinta macluumaadka (Tietosuojavaltuutetun toimisto)
Cinwaanka: Lintulahdenkuja 4, 00530 Helsinki
Sanduuqa boostada: PL 800, 00531 Helsinki
Xirirayaha khadka telefoonka: 029 56 66700
Iimeylka: tietosuoja(at)om.fi.

LIFAAQA 1. DIIWAAN HAYAYAASHA IYO XOGTA

Hay'ad