Cilmibaarista wargelinta macluumaadka ilaalinta MigCOVID
Macluumaadka quseeya ka qeybgalayaasha cilmibaarista
Warqad qoraaleedkan waxaa lagu naqshadeyn oo lagu tilmaami, sida shaqsi ahaaneed ee loo lafoguro cudurka koroonada iyo saameynta uu ku leeyahay iyo badqabkooda dadka waddankan dibeddiisa ku dhashay waa cilmibaaristii (MigCOVID). Ka qeybgalka cilmibaarista waa mid ikhtiyaar ah. Wax dhibaato ah kaama soo gaareeyso, haddii aadan ka qeybgalin cilmibaarista ama aadba joojisid ka qeybgalka cilmibaarista. Diidmadaada wax saameyn ah kuma lahan xuquuqda aad u leedahay adeegga howlaha caafimaadka ama adeegyada kaleba ama gunnooyinka Finland. Haddii aad joojisid ka qeybgalka cilmibaarista, aaladihii horay lagaaga aruuriyay ka hor intii aadan joojin waa loo isticmaali karaa cilmibaarista. Warqad qoraaleedkaan nuqdadiisa 17 aad waxaa lagu sheegayaa, xuquuqahaaga iyo sida aad saameyn ugu yeelan karto lafogurista macluumaadkaaga.
Warbixinta dheeraadka ah ee cilmibaarista, waxaa laga heleyaa baaritaannada lagu baahiyay.
1. Cilmibaarista diiwaanhayaha
MigCOVID -cilmibaarista diiwaanhayaha waxuu u shaqeeyaa waaxda caafimaadka iyo badqabka.
Waaxda Caafimaadka iyo badqabka
PL 30, 00271 Helsinki
Tel. 029 524 6000
Arrimaha cilmibaarista shaqsiga lagala xiriirayo:
Magaca: Natalia Skogberg
Cinwaanka: Mannerheimintie 166, PL 30, 00271 Helsinki
Telefoon nambar: 029 524 7916
email: natalia.skogberg(at)thl.fi.
2. Naqshadeynta sawirka mashruuca cilmibaarista iyo ujeedada laga leeyahay lafogurka macluumaadka shaqsiyaadka
Cilmibaarista tan ujeedada laga leeyahay waa in la caddeeyo saameyn noocee ah ayuu cudurka koroonaha iyo arrimaha la xiriira howlaha xakameynta aay ku leedahay dadka ku dhashay dibedda iyo saameynta howlo maalmeedkooda, caafimaadkooda,badqabkooda iyo qibradaha aay ka heleen adeegga arrimaha bulshada iyo caafimaadka. Waxaannu xiiseeyneeynaa, in aan caddeeyno, miyeey gaareen farriimihi aay hey’adaha dowliga ahi u direen ee la xiriirtay xaaladaha cudurka koroonaha iyo howlihii ka hortagga ahaa, isla markaana aan hubinno sinnaan ma loogu wada adeegay dadka dhan.
Cilmibaarista kooxda aay quseeyso waa 2018-2019 dadka waddanka kan dibeddiisa ku dhashay cilmibaarista badqabka (FinMonik) dadka ka qeybgalay (5453 qofood) iyo dadyow jinsiga soomaaliga ka soo jeeda (ugu badnaan 1000 qofood). Cilmibaarista (MigCOVID) dadkii la casuumay da’ ahaan waxeey u dhexeeyaan 20-66 sannadood. Maxsuulka cilmibaarista waxaa lagu daabici bogagga internetka horraanta sannadka 2021. Shaqsiyaadka mid midka ah lagama dheehan karo goorta goorta maxsuulka la gudbinayo. Macluumaadyada waxaa looga faaiideysan cudurka koroonaha iyo cudurrada kale ee qatarta ku ah caafimaadka iyo sidii la iskaga ilaalin lahaa oo looga hortagi lahaa. Cilmibaarista macluumaadkii la aruuriyay ayaa laga dhex dheehan karaa saameeynta uu bulshada ku yeeshay. Macluumaadkaasi ayaan u adeegsan karnaa, in aan si fiican uga jawaab celinno waddankaan dibeddiisa dadka ku dhashay xagga cudurka koroonaha, raadadka uu cudurku reebana loo saxo xagga howlaha dib u yagleelidda arrimaha bulshada iyo arrimaha la xiriira.
Cilmibaarista waa sii wadid cilmibaaristii FinMonik.
Waaxda caafimaadka iyo badqabka waxeey isku xirikartaa su’aalaha iyo jawaabaha FinMonik macluumaadka cilmibaarista. Waaxda caafimaadka iyo badqabka waxeey kaloo isku xireeysaa arrimaha la xiriira caafimaadka iyo badqabka hey’adaha kala duwan ee dowliga ah xagga macluumaadka diiwaangelinta. Macluumaadka la diiwaangeliyay waxaa loo isticmaali oo kaliyah himilo cilmibaaris.
Macluumaadka shaqsiyada ee aqoonsiga leh, waxaa loo isticmaali baaristii dadkii lala xiriiray iyo cilmibaaristii FinMonik, oo looga shaqeyn sidii macluumaadka diiwaangelinta la iskula xiriirin lahaa aaladihii baarista iyo tan cilmi baarista. Maluumaadka diiwaangelinta la xiriirintiisa ka dib macluumaadka shaqsiyaadka waa laga saarayaa aaladda cilmibaarista. Cilmibaarayaasha aaladaha aay lafogurayaan, lagama dheehan karo shaqsiyaadka mid midka ah ee macluumaadka cilmibaarista.
3. Mashruuca iskaashiga howlaha dhinacyada cilmibaarista iyo masuuliyad qeysasho
Maya mashruuca iskaashiga howl cilmibaaris.
4. Madaxa masuulka ka ah cilmibaarista ama kooxda masuulka ka ah
Magaca: Anu Castaneda
Cinwaanka: Mannerheimintie 166, PL 30, 00271 Helsinki
Telefoon nambar: 029 524 7848
Email: anu.castaneda(at)thl.fi
5. Masuulka macluumaad ilaaliyaha cinwaankiisa
Waaxda caafimaadka iyo badqabka masuulka macluumaad xafidaha cinwaankiisa:
tietosuoja(at)thl.fi.
6. Cilmibaaris fuliyayaasha
Cilmibaarista waxaa fulinaya waaxda caafimaadka iyo badqabka – unugga sinnaanta iyo qeybgalka.
7. Magaca cilmibaarista, qaabeynta iyo waqtiga uu qaadanayo
Magaca cilmibaarista: Cudurka koroonaha iyo saameeynta badqabeed uu leeyahay dadka waddanka kan dibeddiisa ku dhashay (MigCOVID) -cilmibaarista.
Cilmibaaris dabagal ah.
Cilmibaarista waqtiga aay qaadaneeyso (illaa waqti intee ah ayaa la lafogurayaa macluumaad shaqsiyadeedyada):
Cilmibaarista heerka diiwaan la socoshada waxeey qaadan 30 sannadood si su’aalo sahaneedka aay u hirgasho. Waa la uruurin diiwaanka macluumaadka waxaana la cusbooneeysiin qorshaha cilmibaarista waqtiga heerka la socoshada. Cilmibaarista marka aay dhammaato, aaladaha cilmibaarista waxaa la keydin sida aay qabto nuqdada 16 aad. Baaritaan ahaan dib waanu u eegi karnaa 2020 xog ururinta la dib.
8. Lafogurka macluumaad shaqsiyadeedka saldhig sharciyeedka
Lafogurka macluumaad shaqsiyadeedka waxaa aasaas u ah EU-da ilaalinta xogta guud-xeerka 6 artikalka 1 nuqdada sida aay qabto ee soo socota:
Danta guud ee cilmiyeeysan ama taariikh cilmibaarista, qorsheynta ama diiwaan hayaha adeegsiga awoodda rasmiga ah ee guud (sharciga ilaalinta xogta 4 §:n 3 nuqdada).
9. Xogta xasaasiga ah ee shaqsiyadeed
Cilmibaarista waxaa lagu lafoguri xog shaqsiyadeedka xasaasiga ah ee soo socota:
Macluumaadka caafimaadka.
La fogurka xogta xasaasiga ah waxaa aasaas u ah xogta sharci ilaalinta soo socota- xeerka 9 artikalka 2 nuqdada sida aay qabto xaaladda gaarka ah:
Ujeeddo cilmibaaris taariikheed ama ujeeddada tirakoobka.
10. Macluumaad shaqsiyadeed noocee ah ayeey aladaha cilmibaaristu ka kooban tahay
Macluumaadka aqoonsiga shaqsiga: nambarka aqoonsiga sharciga, magaca, waqtiga dhalashada iyo- googta, luqadda hooyo, cinwaanka, nooca jinsiga qofka, guriga degaanka xiriiyayaasha goobta macluumaadka.
Aaladaha cilmibaarista macluumaadka la aruurinayo: suäaalaha sahanka macluumaadka ku jira ee la waafajiyo.
Diiwaanka macluumaadka laga aruurinayo:
Waaxda caafimaadka iyo badqabka: daryeelka cudurrada, booqashooyinkii goobaha caafimaadka, daaweeyntii iyo tallaabooyinkii la qaaday iyo dakhliga kaalmada nolosha. Hey’adda ceymiska qaranka: xaquuqda magdhawga gaarka ee daawooyinka, daawooyinkii laguu magdhabay, daawooyinkii aad iibsatay, waraaqihii daawooyinka ee dhakhtarka, dakhliga kaalmada nolosha, gunnada taageerada shaqada, waqtigii aad xanuun fasax heshay, xanuun fasaxeedyadi, gunnada kaalmada guriga, muddooyinki dhaqan celinta, kaalmada naafada iyo daryeel jiifka bukaanka.
Xaruunta dhexe ee qorshaha: waxbarashada koulutus, waxqabadka ugu weyn, dakhliga, xirfadda, heerka dhaqan dhaqaale, dhalashada,
sababta dhimashada.
Xaruunta amniga howlgabka: howlgab-, baxnaanin- iyo xiriirka macluumaadka shaqo.
Wasaaradda shaqada iyo dhaqaalaha: shoqo iyo hannaan shaqeedka.
Wakaaladda macluumaadka digitalka: cinwaan, waqtiga dhalashada iyo –goobta, goobta dhalashda waalidka, nooca jinsiga, xaaladda guurka, luqadda hooyo, luqadda macaamilka, tirada dadka dhaqaale wadaagga.
11. Meelaha laga soo uruurinayo macluumaad shaqsiyadeedyada
Waaxda caafimaadka iyo badqabka, macluumaadka diiwaanka (nidaamka ogeeysiinta daryeelka, diiwaanka cudurrada faafa, diiwaanka kansarka, dhalashada-, ilmo iska soo ridkadiiwaanka nadiifinta iyo diiwaanka dakhli nololeedka), diiwaanka cudurrada kelyaha, hey’adda ceymiska bulshada ee Finland, xarunta dhexe ee qorshaha, xarunta howlgabka, wasaaradda shaqada iyo dhaqaalaha, hey’adda macluumaadka digitalka qaranka, macluumaadka uu bixiyay su’aalihii jawaab bixinta foomka.
12. U gudbinta ama bixinta macluumaadka ka baxsan kooxda cilmibaarista
Xog shaqsiyadeedka looma gudbin doono ama looma wareejin doono sida sharciga qabo kooxda cilmibaarista meel ka baxsan. Aaladahii cilmibaarista ee la aruuriyay waxaa isticmaali kara oo bixin kara waaxda caafimaadka iyo badqabka sida uu qabo xeerka (668/2008) iyo macluumaadyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka isticmaalkeeda labaad sida uu qabo xeerka (552/2019). Waaxda caafimaadka iyo badqabka wareey u wareejisay ruqsadda soo saarka macluumaadka hey’adda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ruqsad bixiyaha maluumaadka (Findata), kaaso oo ugu horraan uga masuul ah waaxda caafimaadka iyo badqabka ruqsad macluumaadka ee codsadaha dibedda.
13. Wareejintaama bixinta macluumaadka ka baxsan EU-da ama aagga dhaqaalaha Yurub
Macluumaadka looma wareejinayo ama la siinayo EU-da ama aagga dhaqaalaha yurub.
14. Go’aan automaatik ah
Go’aanno automaatik ah lama sameeyo.
15. Mabaadi’da ilaalinta macluumaadka shaqsiyadeed
Macluumaadka waa in qarsoodi laga dhigaa.
Macluumaadka lagu farsameeyay nidaamyada macluumaadka:
- nambarka aqoonsiga shaqsiga
- nambarka sirta
- isticmaal diiwaangelinta
- xakameyn la socoshada isticmaalka
Lafogurka aqoonsi macluumaadka tooska ah:
aqoonsi macluumaadka tooska ah waxaa laga saarayaa goorta heerka lafogurka.
16. Lafogurka macluumaadka shaqsiga cilmibaarista markeey dhammaato ka dib
Aaladaha cilmibaarista waxaa lagu kaydin waaxda caafimaadka iyo badqabka ayadoo aan sumad macluumaad laheyn si joogto ah.
17. Xuquuqooyinka diiwaangelinta iyo xaddidaadda suutogalka ah
Xeerka ilaalinta macluumaadka ayaa damaanad qaadaya xuquuqaha gaarka ah ee aaladda la baarayo, si aaladda la baarayo loo hubiyo xuquuqaha aasaasiga ah ilaalintooda in la hirgaliyay. Haddii aad dooneeysid, in aad xaquuqdaada isticmaashid, la soo xiriir waaxda caafimaadka iyo badqabka [kirjaamo(at)thl.fi] ama nuqdada 1aad. cinwaanka shaqsiga lagu sheegay.
Haddii aay waaxda caafimaadka iyo badqabka aaysan awoodin in aay aqoonsato aaladahaaga cilmibaarista, haddaba xaquuqda loo helayo macluumaadka, in la beddelo ama la bixiyo ma noqoneeyso mid la dabakhayo.
Ka noqoshada oggolaanshaha (ilaalinta xogta-xeerka 7 artikalka)
Adiga waxaad xaq u leedahay, in aad ka noqotis oggolaanshahaagii, haddii lafogurka macluumaad shaqsiyadeedkaaay aasaas u tahay oggolaansho. Oggolaanshaha oo laga noqdaa saameyn kuma yeelanayo, ka hor inta aan laga noqon lafogurkii la qabtay, sida xeerka qabo.
Xaquuqda helitaanka macluumaadka (ilaalinta xogta-xeerka 15 artikalka)
Adiga waxaad xaq u leedahay helista macluumaadka lafogurka cilmibaaris shaqsiyadeedkaaga iyo waxa cilmibaaris shaqsiyadeedkaaga lagu lafoguray. Haddii aad doontid, waxaad codsan kartaa koobi arrimaha macluumaad shaqsiyadeedka lagu lafoguray.
Xaquuqda macluumaad bedelista/saxidda (tietosuoja-xeerka 16 artikalka)
Haddii macluumaad shaqsiyadeedkaaga la lafoguray aad waxyaabo aan dhammeys tirnayn ama qaldan aay ku jiraan, adigu xaq ayaad u leedahay, in aad codsatid, in la beddelo ama la dhammeystiro.
Xaquuqda macluumaad tirtirka (ilaalinta xogta-xeerka 17 artikalka)
Adiga waxaad u leedahay xaq, in aad dalabtid macluumaad shaqsiyadeedkaaga, in laga saaro xaaladaha soo socda awgood:
- macluumaad shaqsiyadeedka ma loo baahno mar kale ujeedadii laga lahaa, ee sababtay in la aruuriyo ama si kale loo lafoguray
- oggolaanshahii oo aad ka noqotid ee aasaaska u ahaa in la lafoguro oo sabab kale oo lagu lafaguraahi ayan jirin
- Lafagur diidista oo lafogurid aan sabab loo laheyn
- macluumaad shaqsiyadeedka waxaa loo lafoguray, si sharciga aan waafaqsaneyn; ama
- macluumaad shaqsiyadeedka waa in laga saaraa xaquuq u lahaanshaha midowga ama waddanka ku tirsanaha ah ee laga yagleelay diiwaan hayaha, waxaa dushiisa ahaaday, in la raaco waajibaadka sharciga ahi.
Xaquuqda oo laga leexdo
Nuqdada tan 17 Xuquuqda xog diiwaangelinta iyo xaddidaadda suurtogalka ah ee sharraxaadda sawirka ah, waa tan in xaquuqaha laga leexan karaa ee macluumaad ilaalinta xeerka sharciga sida uu dhigayo oo uu qeyb ka yahay, sida xaquuqooyinka kale ee diidaya midda cilmiyeeysan ama taariikh ahaan ujeedka uu yahay cilmibaaris ama ujeeddo qorsheysan in laga gaaro aay tahay ama in badan adkeeyneeysa. Baahida in laga leexdo ah xaquuqooyinka, waxaa loo qiimeyn mid walba dhacdadeeda.
Haddii aad dooneeysid, in aad isticmaashid xaquuqdaada, la soo xiriir waaxda caafimaadka iyo badqabka [kirjaamo(at)thl.fi].
La soo xiriir
Haddii aad su’aal ka qabtid xaquuqooyinka, la soo xiriirwaaxda caafimaadka iyo badqabka [kirjaamo(at)thl.fi] ama nuqdada 1 aad cinwaanka shaqsiga lagu xusay.
Xaq u yeelashada arrin u gudbinta sarkaalka ilaalinta macluumaadka si uu u lafoguro
Adiga waxaad xaq u leedahay arrinka xafiiska sarkaalka macluumaadka uu lafogurayo, haddiise aad u aragto, in macluumaad shaqsiyadeedkaaga la jebiyay ama lagu xadgudbay, ayadoo uu sharcigii macluumaad ilaalinta uu wali dhaqmayo.
Cinwaanka lagala soo xiriirayo:
Xafiiska sarkaalka macluumaad ilaaliyaha
Cinwaanka imaanshaha: Lintulahdenkuja 4, 00530 Helsinki
Cinwaanka boostada: PL 800, 00531 Helsinki
Telefoonka dhexe: 029 56 66700
Faksiga: 029 56 66735
Email: tietosuoja(at)om.fi.