Wargelinta ilaalinta macluumaadka cilmibaarista 2024 (ilmaha dhashay 2017)

3.11.2023

Warbixin loogu talogalay ka qaybqaatayaasha cilmibaarista

Sharciga guud ee ilaalinta macluumaadka ee midowga yurub (EU), Qodobada 12–14.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) waxaa ay hirgelinaysaa Cilmibaarista FinLapset / Suomi100, Taasoo soo saaraysa xog la xiriira qoysaska leh carruur dhalatay sannadka 2017-ka, xogtaasoo ku saabsan caafimaadka, daryeelka, ka qaybqaadashada arrimaha bulshada, isticmaalka adeegyada iyo waxyaabaha aad la kulantay markaad adeegyada isticmaalayso, sidoo kale arrimaha saameeya waxyaabaha aan kor ku xusnay. Warbixintaan waxaa lagu sharraxayaa qaabka cilmibaadhista Finlapset/Suomi100 ay u isticmaalayso warbixinta adiga lagaa ururinayo. Asalku waxa weeye in ka qaybqaadashada cilmibaarista ay tahay mid ikhtiyaari ah. Ma jirto wax dhib ah oo adiga ku soo waajahaysa, haddii aadan ka qaybqaadan cilmibaaristaan, ama aad dhexda ku joojiso ka qaybqaadashada cilmibaaristan. Qaybta 17-aad ee warbixintaan ayaa si faahfaahsan loogu sheegayaa, xuquuqda adiga aad leedahay iyo sida aad saamaynta ugu yeelan kartid isticmaalka macluumaadkaaga.

1. Diiwaanhayaha cilmibaarista

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga, THL
PL 30
00271 Helsinki
tel. 029 524 6000

Qofka lagala soo xiriiraayo arrimaha ku saabsan cilmibaarista: Maaret Vuorenmaa, Cilmibaare khaas ah
Cinwaan: THL, PL 30, 00271 HKI
Telefoon: 029 524 6000 (vaihde)
iimeyl: firstname.lastname(at)thl.fi

2. Sharraxaad ku saabsan mashruuca cilmibaarista iyo ujeeddada isticmaalka macluumaadka shakhsi ahaaneed

Waxa laga hadlayaa waa hal mashruuc oo cilmibaadhis ah, kaasoo ay hirgelinayso hay’adda THL, waxaana ka wada shaqaynaaya kooxaha cilmibaarista ee FinLapset- iyo Suomi100.

Ujeeddada cilmibaarista FinLapset / Suomi100, waa in ay soo saarto xog ama macluumaad waafi ah oo cusub, oo ku saabsan caafimaadka, daryeelka iyo ka qaybqaadashada arrimaha bulshada ee qoysaska leh carruurta dhalatay sannadka 2017-ka, iyo sidoo kale isbeddel ah ee la xidhiidha arrimaha kor ku xusan. Sidoo kale cilmibaadhistan waxa lagu eegi doonaa fasaxyada waalidka ee marka ilmuhu dhaso, aqoonta, isticmaalka adeegyada bulshada iyo kuwa caafimaadka iyo isbeddelada ku dhaca isticmaalka arrimahan aan kor ku xusnay. Baadhitaanka arrimahan aan xusnay waxay qayb ka tahay waajibaadyada sharciga ah ee hay’adda THL. Xogta lagu ururinayo cilmibaadhistan waxa looga faaidaysanayaa samaynta cilmibaadhisyo kale. Cilmibaadhistani waxa uu hordhac u yahay laguna taageerayaa diyaarinta mashruuca heer qaran ee Suomi 100-hanke oo ay masuul ka tahay hay’adda THL. Mashruuca Suomi-100 waxaa maalgalisay hay’adda Suomen Kulttuurirahasto. Ujeedada mashruuca Suomi-100 hanke waa sidii loo heli lahaa macluumaad lagu xaqiijinaayo nololwanaagga tobannaanka sano ee foodda nagu soo haaya. Macluumaad ururinta Mashruuca Suomi-100 waxa ay ku waajihi doontaa qoysaska uu ilmo u dhalan doono sannadka 2026.

Kooxda loogu talogalay in ay ka qaybqaadato cilmibaadhistan waa dhamaan caruurta dhalatay sannadkii 2017 ee ku nool Finland iyo waalidiintooda. Kala badh caruurtii dhalatay sannadkii 2017 (N ≈ 26 500) iyo waalidiintoodii (N ≈ 53 000) ayaa loogu yeedhay inay ka qaybqaataan cilmibaadhistan.

Xogta cilmibaadhistu waxay ka koobantahay laba heer:

  1. Mid ka kooban xogta ku kaydsan rejistarada, xogta shakhsi ahaaneed ee ku saabsan dhamaan caruurta dhalatay sannadkii 2017 iyo waalidiintooda ee ku kaydsan rejistarada kala duwen. Waxaa intas dheer oo la isku dayayaa in diiwaangelinta ama rejisterada laga aqoonsado walaalada la dhalatay ilmaha dhashay sannadkii 2017 oo iyagana xoogtooda lagu soo daro xogta cilmibaadhistan. Cilmibaadhistani waxay kaashanaysaa ama ka faaiidaysanaysaa xogta ku kaydsan diiwaannada kala ah: DVV, THL, Kela wasaaradda waxbarashada, xarunta Istaatiitiskada, xafiiska canshuuraha, xarunta diiwaanka maxkamadaha iyo diiwaannad ay maamusho hay’adda Finansivalvonta. Xogta laga tixraacayo diiwaanada laguma darayo tan jawaabaha ah ee laga soo ururinayo dadka cilmibaadhista ka qaybqaadanaya.
  2. Xogweydiinta laga soo ururiyay waalidiinta si shakhsiyan ah, iyo xogtan laga soo tixraacay diiwaanada kala duwan oo la isku geeyay. Waalidiinta ilmaha dhalay waxaa laga codsanayaa in ay ka qaybqaataan xogweydiintaan marka ilmuhu sannadka ugu danbeeya ee xanaanada, iyo haddii ay macquul tahay oo cilmibaadhistu sii socoto marka ilmuhu ay gaadhaan da’da 9-10 sano jir iyo 11-12 sano jir. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xogweydiinta waa in la ogaado siduu waalidku u arko arrimaha soo socda: 1) daryeelka iyo caafimaadka qoyska, 2) Awoodda waxqabad ee waalidka iyo sida uu nololmaalmeedkooda caadiga ah guto, 3) Sida ay waalidku uga qaybqaataan arrimaha bulshada iyo sida uu ula qabsaday ama u dhexgalay bulshada 4) baahida adeeg ee qoyska iyo ku filnaanshaha adeegga. Majiraan wax macluumaad ah oo ilmaha qaabka xogweydiinta ah looga ururuinaayo. Macluumaadka laga ururiyay xogweydiinta waxaa loo isticmicmaalayaa oo loo analaay garaynayaa sidii xog khaas ah oo kale. Waxaa intaas dheer macluumaadka xogweydiinta ee waalidka laga soo uruuriyay waxa lagu dari karaa macluumaadka laga soo dhex baxay diiwaanka hay’adaha dowladda (DVV, THL, Kela, Wasaaradda waxbarashada, xarunta Istaatiitiskada, xafiiska canshuuraha, xarunta diiwaanka maxkamada iyo diiwaanada ay maamusho hay’adda Finansivalvonta). Marka uu waalidku ka jawaabaayo xogweydiintaan waxaa uu oggolaanayaa in la isugeeyo macluumaadkiisa diiwaanka iyo kuwa ilmihiisa dhashay 2017-ka iyo macluumaadka xogweydiintaan. Haddii labada waalid ee ilmaha dhalay ay kawada jawaabaan xogweydiintaan, waxaa la isu gaynayaa macluumaadka waalidka iyo macluumaadka ku saabsan ilmahooda. Walaalaha la dhashay ilmaha macluumaadkooda looma gaynaayo xogta cilmibaaristaan.

Natiijada cilmibaarista waxaa lagu soo daabacayaa bogga internetka ee THL, Boggaga warbiximaha iyo sidookale taxanayaasha jaraa’idada lagu daabaco cilmibaadhista saynisyahanada. Xogta kasoo baxda cilmibaadhistan waxa looga faaiidaysanayaa qorshaynta iyo qiimaynta siyaasadaha caafimaad iyo arimmaha bulshada ee gobol ahaaneed.

Macluumaadka shakhsi ahaaneed (henkilötiedot) waxaa loo isticmaalayaa si loola xiriiro ka qaybgalayaasha cilmibaarista iyo in loo adeegsado iskuxidhka diiwaanada aan kor ku xusnay iyo jawaabaha ay bixinayaa kaqaybgalayaashu. Kadib marka iskugeeyo macluumaadyada diiwaannada, macluumaadka aqoonsiga shakhsi ahaaneed ee tooska ah waa laga masaxayaa xogta cilmibaadhista. Xogaha cilmibaarista ee la isticmaalaayo, si toos ah loogama aqoonsan karo shakhsiyaadka gaarka ah ee cilmibaarista ku qaybqaaatay.

Faahfaahinta dheeraadka ah ee ku saabsan cilmibaarista waxaa laga helayaa cinwaanka:
FinChildren

3. Qaybaha ku shuraakoobay samaynta mashruuca iyo qaybsanka mas’uuliyada

THL waxaa ay u shaqaynaysaa diiwaan hayaha sida ku qeexan nidaamka ilaalinta macluumaadka.

THL waxay sidoo kale wadashaqayn cilmi-baaris ah la samaysaa kooxaha cilmibaarista ee ku sugan hay'adaha kale ee ku jira qaabka heshiisyada iskaashiga cilmibaarista. Hawl wadeenada ka socda hay’adaha iskaashiga waxaa lagu wareejiyaa qayb xaddidan oo kamid ah xogta cilmibaadhista iyada laga reebayo macluumaadka aqoonsiga shakhsi ahaaneed. Hay’ada lagu wareejiyo xogtu waxay noqonaysaa diiwaan ilaaliye inta uu shaqaynayo heshiiska iskaashigu. Hay’adaha iskaashiga ee u shaqaynaya diiwaanhayayaasha waxaa lagu daabacayaa lifaaqa 1aad ee lasocda dhokumentigan ilaalinta macluumaadka.

Markasta THL ayaa mas'uul ka ah waajibaadka maamulka xog ilaalinta sida lagu qeexay ama lagu faahfaahiyay xeerka ilaalinta xogta.

Dadka la baaraayo waxaa ay THL u gudbin karaan dhammaan codsiyada khuseeya xuquuqahooda la diiwaangeliyay, waxaana ay u sii gudbin kartaa diiwaanhayayaaha kale ee iyada la shaqaynaaya.

4. Madaxa ka mas’uulka ah cilmibaarista ama kooxda ka mas’uulka ah

Mashruuca cilmibaarista waxaa fulinaysa THL, iyadoo ay iska kaashanayaan kooxaha cilmibaarista ee FinLapset iyo Suomi100.

Cinwaanka: PL 30, 00271 Helsinki
Telefoonka: 029 524 6000 (xiriirinta)
Iimeylka: firstname.lastname(at)thl.fi.

5. Halaka lagala xiriiri karo mas’uulka ilaalinta macluumaadka

Iimeylka qaabilsan ilaalinta macluumaadka ee THL: tietosuoja(at)thl.fi.

6. Cidda samaynaysa cilmibaarista

Cilmibaaristan waxa fulinaaya cilmibaarayaal ka socda waaxda saamaynta nololwanaagga ama daryeelka ee THL, kooxda FinLapset ee ka mida ah kooda maamulka aqoonta ku salaysan iyo nidaamka adeegga ee qaybta maaraynta aqoonta iyo isbarbadhigga horumarinta, iyo kooxda Suomi100 ee qaybta Biobank iyo waaxda macluumaad gudbinta. Cilmibaarayaasha ka socda waaxaha kale ee THL iyo hay'adaha iskaashiga la leh ayaa sidoo kale ka qaybqaadanaya falanqaynta xogta iyo warbixinta natiijooyinka (eeg. lifaaq 1).

7. Magaca, nooca iyo muddada cilmibaadhista

Magaca cilmibaarista: Cilmibaarista FinLapset / Suomi100 ee qoysaska haysta ilmaha dhashay sannadkii 2017-ka.

Cilmibaaristani waa mid ku taxan mid hore, taasoo xogaha diiwaangashan ee shakhsi ahaaneed iyo macluumaadka laga soo ururiyay xogweydiinta looga faa’iidaysnaayaa in la hubiyo nololwanaagga ama daryeelka qoysaska haysta carruurta dhalatay sannadkii 2017-ka.

Labada waalid ee ilmaha dhashay sanadka 2017-ka waxaa midwalba si shakhsi ahaan loogu soo diri doona xogweydiin u gaar ah sannadka 2024 oo ilmuhu ku jiro sannadka ugu danbeeya ee xanaanada, xogweydiinahan labada waalid loo dirayaa waa qaar isku mid ah. Waxaa dhici karta in mar labaad waalidka loogu yeedho inay ka qaybqaataan xogweydiin kale inta lagu jiro cilmibaadhistan taxanaha ah.

Xog diiwaameedka Ilmaha dhashay sannadkkii 2017 iyo waalidiintiisa waxaa lala soconayaa laga soo bilaabo markii ilmaha 2017 uu uurka galay illaa inta uu ka gaadhayo 18-sano. Xog diiwaameedka walaha ilmahan waxaa lala soconkaraa ugu badnaan illaa inta ay walaaluhu ka gaadhayaan da’da 18-sano. La socodka xog diiwaameedka walaahuhu wuxuu bilaabmi karaa ugu horrayn markii ilmaha 2017 dhashay uu uurka galay wuxuuna dhamaanayaa ugu danbayn marka uu dhamaado lasocodka xog diiwaameedka ilmaha dhashay sannadka 2017.

Diiwaangelinta macluumaadka ku saabsan ilmaha dhashay 2017-ka, walaalahiis iyo waalidka ilmaha waa la cusboonaysiin doonaa inta lagu jiro marxaladda la socodka.

Kaddib marka la socodka diiwaangelinta cilmibaaristu ay dhammaato (ugu dambayn 2040), xogaha cilmibaariseed waxaa loo kaydin doonaa si waafaqsan qaybta 16.

8. Xuquuqda isticmaalka macluumaadka shakhsi ahaaneed

Waxyaabaha lagu saleeyay isticmaalka macluumaadka shakhsi ahaaneed waa sida soo socota, iyadoo la raacayo qodobka 6, cutubka 1-aad ee xeerka Ilaalinta xogta guud ee Midowga Yurub.:
Cilmibaaris cilmiyeed ama taariikheed oo khuseeya danta guud ah, tirakoobista ama awoodda guud ee uu leeyahay diiwaan hayaha (sharciga ilaalinta maclumaadka 4 §, qaybta 3).

9. Macluumaadka shakhsi ahaaneed ee xasaasiga ah (aan la shaacin kain)

Cilmibaarista waxaa lagu falanqaynaayaa macluumaadka shakshi ahaaneed ee xasaasiga ah ee soo socda:

  • Jinsiga ama asalka jinsiga uu qofku ka soo jeedo
  • Aragtiyada siyaasadeed
  • Macluumaadka caafimaadka
  • Jihaynta galmada.

Falanqaynta macluumaadka xasaasiga ah waxay ku salaysan tahay xaaladahan gaarka ah ee soo socda sida uu qabo qodobka 9-aad, qaybtiisa 2-aad ee xeerka ilaalinta xogta ama qaybta 6-aad ee sharciga ilaalinta xogta:

  • Ujeeddada tirakoobka ama ujeeddada cilmibaarista taariikheed iyo midda cilmiyeed
  • Kaydinta ujeedada guud ee cilmibaarista iyo agabka hidaha iyo dhaqanka
  • Falanqayntu waa mid loo baahan yahay oo muhiimad u leh danta guud
  • Falanqayntu waxay lagama maarmaan u tahay danta guud ee caafimaadka dadweynaha
  • Cilmibaaristu waxay falanqaynaysaa macluumaadka ku saabsan dembiyada la xukumay ama xadgudubyada.

10. Waa maxay xogta shakhsi ahaaneed ee ay ka kooban tahay xogta cilmibaaristu

Xogweydiinta cilmibaarista FinLapset / Suomi100 waxaa lagu eegayaa qiimaynta waalid ee ku wajahan daryeelka noloshooda ama tan ilmohooda iyo caafimaadkooda ee nololwaanaagga, caafimaadka iyaga iyo ilmahooda (tusaale ahaan niyadda, dabeecadda ilmaha iyo isdhexgalka ilmaha uu dadka kale leeyahay), ka qaybqaadashadooda arrimaha bulshada dhexdeeda ka jirta, iyo isticmaalkooda adeegyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo kuwa waxbarashada.

Macluumaadka ilmaha iyo waalidka ku saabsan ee aga soo ururiyey diiwaanka rasmiga ah:

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga:

  • Macluumaadka kujira diiwaanka ilmaha dhashay (tusaale ahaan. uurka, dhalashada macluumaadka la socodka xaaladda ee ilmaha ku saabsan)
  • Diiwaanka daryeelka arrimaha caafimaadka (HILMO) iyo diiwaanka daryeelka caafimaadka aasaasiga ah (AvoHilmo) maclumaadka(tusaale ahaan. inta goor ee la tagay goobta caafimaadka, cudurrada qofka laga helay, iyo qalliimadii lagu sameeyay)
  • Diiwaanka badbaadada carruurta (xilligii uu bilaabatay iyo xilligii uu dhammaatay meeleyntii guriga dibaddiisa ahayd ee ilmaha lagu sameeyay)
  • Macluumaadka diiwaanka ee lacagta kaalmada nolosha (caydha).

Xafiiska hawlgabka qaranka (Kela):

  • Macluumaadka gunnooyinka ee ay qaataan qoysaska carruurta leh (tusaale ahaan. caawimaadda hooyada, lacagta waalidka, taageerada daryeelka guriga ama lacagta ama si aan joogto ahayn loo qaato ee daryeelka, taageerada isticmaalka adeegyada gaarka loo leeyahay)
  • Macluumaadka baxnaaninta (tusaale ahaan. sababta sharci ahaaned ee baxnaaninta, camaliyada baxnaaninta, cudur qofka laga helay, hadafka ugu wayn iyo wakhtiyada ballan tagista ee la soo guday)
  • Macluumaadka warqada daawada ee Kanta iyo tan Kela (tusaale ahaan. daawooyinka la qoray iyo daawooyinka la soo iibsaday ee lagu bixiyay caymiska xanuunka, iyo sidoo kale koodhka daawada ee ATC)
  • Macluumaadka magdhabista daawada (tusaale ahaan. taariikhda bilaabista iyo cudur qofka laga helau)
  • Taageerada naafannimada (tusaale ahaan. taariikhda bilaabista iyo cudur qofka laga helay)
  • Macluumaadka helista lacagmaalmeedka bukaanka (tusaale ahaan. tariikhada bilowga awood qabasho la’aanta shaqada, koodhka xirfadda iyo koodhka cudur aqoonsiga)
  • Caymiska shaqala’aanta (tusaale ahaan. maalinka lacag bixinta, sababta magdhowga iyo qaybta gunnada), Lacagta kabista ijaarka ee guud (tusaale ahaan. taariikhda go’aanka, xaaladda nololeed ee codsadaha, tirada ilmaha aan weli gaarin da’dii qaangaarka), taageerada masruufka ilmaha (tusaale ahaan. bisha lacag bixinta iyo koodhka qaybta gunnada) lacagta kaalmada nolosha (tusaale ahaan. bisha lacag bixinta, xirfadda iyo doorka lacag qaatuhu uu qoyska kaga jiro) macluumaadka kharashka.

Xarunta tirokoobka:
Macluumaadka waxbarashada iyo xirfadda, heerka dhaqan-dhaqaale, howsha ugu muhiimsan ee uu hayo, dakhliga qoyska, sababta dhimashada iyo xogta muddada dheer ee macluumaadka shakhsiyeed (FOLK).

Wasaaradda waxbarashada:

  • Diiwaanka xanaanooyinka, Varda (tusaale ahaan. taariikhada bilowga iyo taariikhda dhammaadka ee xanaanada ilmaha, tirada saacadaha toddobaadkii)
  • Diiwaanka sanadka ugu danbeeya ee xanaanada iyo waxbarashada aasaasiga ah, Koski (Macluumaadka ku saabsan xuquuqda xanaanada ilmaha, macluumaadka ku saabsan dheereynta ama kordhinta waajibaadka waxbarasho, qaababka caawinta, iyo qaybaha go’aanka waxbarashada khaaska ah

Xafiiska canshuuraha:
Diiwaanka dakhliga (macluumaadka ku saabsan mushaarka iyo gunnooyinka)

Hay’adda ilaalinta maaliyadda (Finanssivalvonta):
Gunnooyinka mushaarka ku xiran.

Xarunta diiwaanka maxkamadaha:
Diiwaanka dambigelista (macluumaad tusaale ahaan. ganaaxyada).

Xarnta dhijitaalka iyo diiwaangelinta macluumaadka dadweynaha:
Registerka guud ee dadweynaha (koobiga ay isticmaasho THL): magaca, cinwaanka, jinsiga, taariikhda iyo goobta dhalashada, degmada dhalashada, waddanka dalka ka baxsan ee dhalashada, maalinka dalka loo soo guuray, jinsiyadda, xaaladda guur ahaan, taariikhda guurka, luqadda hooyo, luqadda danoqabsashada, xiriirka lammaane ahaan, tirada dadka guriga kuwada nool, doorka waalidka, macluumaadka ku saabsan qofka uu ilmuhu la nool yahay, suuraggalnimada maalinka dhimashada, halka ay ku dhasheen ilmaha awoowgood iyo ayeeydood.

Macluumaadka aqoonsiga ayaa loo baahan yahay si looga soo saaro macluumaadka diiwaannada rasmiga ah iyo isku dhafka macluumaadka kala duwan. Xogta dhabta ah ee cilmibaarista lagu falanqeynaayo, aqoonsiyada tooska ah ee gaarka ah meesha waa laga saaray.

11. Ilahee ayaa macluumaadka shaksi ahaaneed laga soo uruurinayaa

THL, Kela, wasaaradda waxbarashada, xarunta tirokoobka, xafiiska canshuuraha, hay’adda Finansivalvonta, xarunta diiwaanka maxkamadaha iyo xafiiska dhijitaalka iyo diiwaanka dadweynaha guud ee dadwaynaha, iyo sidoo kale macluumaadka ay bixinayaan dadka la ka qaybqaadanaya cilmibaadhista ee loo diray xogweydiinta.

12. U wareejinta ama gudbinta macluumaadka cid ka baxsan kooxda cilmibaarayaasha ah

Sida sharcigu yahay macluuumaadka looma wareejinayo ama looma gudbinaayo cid ka baxsan kooxda cilmibaarayaasha ah. Xogaha cilmibaarista ee la soo uruuriyay waxaa loo isticmaalaya sida uu dhigaayo sharciga tirsigiisu yahay (668/2008) ee haya’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL, waxaana cidda wadashaqayntu ka dhexeyso loogu wareejinayaa qaab heshiis ah oo ku qoran (eeg lifaaqa 1). THL waxaa ay go’aan ka gaartaa arrimaha ku saabsan cilmibaarista buuxisa shuruudaha loo baahanyahay ee THL uga degsan cilmibaarista.

THL waxay ku wareejisay awoodda oggolaanshaha xogta, maamulka oggolaanshaha xogta ee waaxda bulshada iyo caafimaadka (Findata), taas oo ugu horrayn mas'uul ka ah oggolaanshaha xogta codsadaha ka baxsan THL. Sidoo kale marka la eego oggolaanshaha xogta ee ay bixiso Findata, isticmaalka qorshaysan iyo bixinta xogta, waa inay waafaqsan tahay ujeedooyinka xogta loo bixiyay.

13. Macluumaadka oo loo wareejiyo meel ka baxsan waddamada midowga Yurub

Sida caadiga ah, macluumaadka looma wareejiyo ama looma gudbiyo meel ka baxsan Midowga Yurub ama aagga dhaqaalaha Yurub. Ogolaanshaha isticmaalka cilmibaarista cilmiyaysan ama falanqayn istaatiistikeed ayaa la siin karaa cidda ay wadashaqayntu ka dhexeyso THL, Kaddib marka meesha laga saaro arrinka ah in qofka aan si toos ah loo aqoonsan karin.

14. Go’aan qaadasho toosa ama ootomaatig ah

Lama sameeyo wax go’aan qaadasho ootomaatig ah.

15. Mabaadii'da ilaalinta xogta shakhsi ahaaneed

Maclumaadku waa kuwo sir ah.

Maluumaadka lagu falanqaynaayo nidaamka kombiyuutarka:

  • magaca isticmaalaha
  • eray-sireed
  • diiwaangelinta isticmaalka
  • Ilaalinta gelitaanka dadka aanay khusaynin.

Habaynta macluumaadka aqoonsiga ee tooska ah:
aqoonsiga tooska ah ee macluumaadka waa laga saarayaa heerarka wax falanqaynta.

16. Falanqaynta macluumaadka shakhsi ahaaneed marka cilmibaaristu dhammaato kaddib

xogta cilmibaarista waa la diwaangelinayaa:
iyadoo aan lahayn wax macluumaad ah oo lagu aqoonsanaayo.

Xaggee ayaa xogta lagu kaydinayaa, muddo intee le’g ayaase la kaydinayaa: Arkiifiyada qaranka ayaa si joogto ah loogu kaydinayaa.

17. Xuquuqda qofka diiwaan gashan iyo suuraggalnimada ah xaddidaadda arrinkaas

Sharciga ilaalinta macluumaadka waxa uu u dammaanad qaadayaa qofka la baaraha ah xuquuqo gaar ah, kuwaasoo uu la baraauhu ku xaqiijin karo hirgelinta ilaalinta sirta ee xuquuqaha aasaasiga ah. Haddii aad doonaysid inaad isticmaasho xuquuqahaaga, waxaad samaysaa sida ku qoran hagistaan:
Tietosuoja

haddii kale waxaad la soo xiriirtaa xafiiska kirjaamo-da ee THL: [kirjaamo(at)thl.fi] ama qofka lagu soo xusay qaybta 1.

Hadii THL ay awoodi wayso aqoonsigaaga maaddooyinka baaritaanka, markaa ma jirto wax ah xuquuuqda gelitaan macluumaadka, sixitaankeeda ama saaristeedaba.

Baajinta ama kansalidda ogolaanshaha (nidaamka ilaalinta macluumaadka qodobka 7)

Waxaad xaq u leedahay inaad baajiso ama kansasho oggolaanshihii aad bixisay, haddii falanqaynta macluumaadka ay tahay mid ku salaysan oggolaansho. Ka noqoshada ogolaanshaha ma saameynayso sharcinnimada habraaca lagu sameeyay waxyaabaha lagu falanqeeyay ogolaanshaha.

Xuquuqda ah gelitaanka macluumaadka (nidaamka ilaalinta macluumaadka qodobka 15)

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho macluumaadka ah, ma lagu falanqaynayaa macluumaadkaaga cilmibaarista, maxayse yihiin macluuaadkaaga aqoonsi ee la falanqaynaayo. Sidoo kale haddii aad doonayso waxaad codsan kartaa koobiga macluumaadka la falanqaynaayo.

Xuquuqda ku saabsan sixitaanka macluumaadka (nidaamka ilaalinta macluumaadka qodobka 16)

Haddii ay jiraan khaladaad ama wax aan hagaagsanayn oo ku jira macluumaadkaaga shakhsiyeed ee la falanqaynaayo, waxaad xaq u leedahay inaad codsato sixiddooda ama dhamaystiriddooda.

Xuquuqda ah saarista macluumaadka (nidaamka ilaalinta macluumaadka qodobka 17)

Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato tirtista ama baabi’inta xogtaada gaarka ah xaaladaha soo socda:

  • hadda looma baahna ujeedooyinka loo ururiyay ama kuwa kale ee loo falanqeeyay macluumaadka shakhsiga ah
  • aad la noqoto ogolaanshaha falanqayntu ku salaysan tahay, mana jirto wax kale oo sharci ah oo falanqayntu ay ku salaysan tahay
  • aad diiddan tahay falanqaynta, mana jirto sabab kale oo macquul ah oo falanqayntu ku salaysan tahay
  • macluumaadka shakhsiga ah oo si sharci darro ah loo maamulay; ama
  • macluumaadka shakhsiga ah waa in la tirtiraa si loogu hoggaansamo waajibaadka qaanuuniga ah ee khuseeya maamulaha xogta ee ku salaysan sharciga ururka ama sharciga dowladaha xubinta ka ah.

Ka weecashada xuquuqda

Xuquuqda lagu sheegay qaybtan 17. ee xuquuqda aad leedahay iyo ka weecashada xuquuqda waxa laga yaabaa in sidii ay ahayd laga weeciyo, iyadoo lagu salaynaayo sharciga ilaalinta macluumaadka illaa xad ay xuquuqdu ka hortagto gaaritaanka ujeeddadii cilmibaarista cilmiyaysan ama taariikheed ah ama ujeeddo tirokoobka ama ay si weyn u adkaynayaan. Baahida loo qabo in laga leexdo xuquuqda mar walba si mid mid ahaan ah ayaa loo qiimaynayaa.

Haddii aad doonaysid inaad isticmaasho xuquuqahaaga, waxaad samaysaa sida ku qoran hagistaan:
Tietosuoja

La soo xiriirista

Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan xuquuqaha, waxaad la soo xiriirtaa xafiiska kirjaamo-da ee THL: [kirjaamo(at)thl.fi] ama qofka lagu soo xusay qaybta 1.

Xuquuqda ah in arrinka loo gudbiyo wakiilka ilaalinta xogta si uu u falanqeeyo

Waxaad xaq u leedahay inaad arrinka u gudbiso xafiiska wakiilka ilaalinta macluumaadka si uu u falanqeeyo, haddii aad u aragato ama ay kuula muuqato, in markii la falanqaynaayay macluumaadkaaga lagu xadgudbay sharciga ilaalinta macluumaadka.

Halka aad kala soo xiriiri karto:

Xafiiksa wakiilka ilaalinta macluumaadka
Tietosuojavaltuutetun toimisto (Xafiiska wakiilka ilaalinta macluumaadka)
Cinwaanka: Lintulahdenkuja 4, 00530 Helsinki
Sanduuqa boostada: PL 800, 00531 Helsinki
Xirirayaha khadka telefoonka: 029 56 66700
iimeylka: tietosuoja(at)om.fi.

LIFAAQA 1. DIIWAAN HAYAYAASHA IYO XOGTA