Wargelinta ilaalinta macluumaadka cilmibaarista 2020
Qaanuunka guud ee Midowga Yurub ee ilaalinta macluumaadka qodobkiisa 12-14.
Macluumaad loogu talagalay qofka cilmibaarista ka qaybqaadanaya
Warbixintan waxaa lagu sheegayaa, sida macluumaadkaada shakhsiga ah iyo kan cunuggaadaba looga baaraandegayo cilmibaarista FinCaruur (FinLapset) ee quseysa caafimaadka, nololwanaagga iyo adeegyada qoysaska carruurta dhallaanka ah leh. Wax cawaaqib xun ah oo adiga ama qoyskaada soo gaaraya ma jiro, haddii aadan cilmibaarista ka qaybqaadan ama aad dhexda ku joojiso. Haddii aad joojinayso ka qaybqaadashada cilmibaarista, macluumaadka la uruuriyay kahor joojintiina waxaa loo isticmaali karaa cilmibaarista. Warbixintan barteeda 17 ayaa si faahfaahsan loogu sheegayaa, xaqa aad adigu leedahay iyo kan uu qoyskaadu leedahay iyo sida aad saameyn ugu yeelan karto ka baaraandegista macluumaadkaada iyo macluumaadka cunuggaada.
1. Diiwaan-haya cilmibaarista
Hay’adda cilmibaarista iyo hufnaanta
SB 30
00271 Helsinki
tel. 029 524 6000
Dadka lagala xiriirayo arrimaha cilmibaarista ku saabsan:
Magaca: Reija Klemetti
Lambarka telefoonka: 029 524 7265
Emaylka: reija.klemetti(at)thl.fi
Magaca: Maaret Vuorenmaa
Lambarka telefoonka: 029 524 7008
Emaylka: maaret.vuorenmaa(at)thl.fi
2. Sharraxaad ku saabsan mashruuca cilmibaarista iyo ujeedada ka baaraandegista macluumaadyada qofka
Hadafka laga leeyahay cilmibaaristan FinCaruur (FinLapset) waa la socoshada nololwanaagga, caafimaadka iyo waayo-aragnimada adeegyada ee carruurta yaryar iyo qoysaskooda. Kooxda cilmibaarista lagu sameynayo waa carruurta dhallaanka ah ee jira qiyaastii 3-6 bilood iyo qoysaskooda Finland jooga. Macluumaad waxaa labada waalid ee cunugga looga uruurinayaa foomamka su’aalo-weydiinta, macluumaadka Kanta iyo rajistareeshinka. Natiijooyinka cilmibaarista oo ah daabacaadyo cilmiyeed iyo warbixinta natiijooyinka waxaa lagu daabacayaa adeegga shabakadda THL. Shaksiyaad gaar ah lagama aqoonsanayo warbiinta natiijooyinka. Macluumaadka cilmibaarista waxaa looga faa’iidaysanayaa horumarinta adeegyada qoysaska carruurta leh, sameynta go’aanka deegaanka iyo kuwa dalka oo dhan iyo qiimeynta iyo qorsheynta siyaasadda caafimaadka iyo sooshalka ee ummadda. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cilmibaarista waxaa laga helayaa cinwaanka:
FinLapset
Hay’adda caafimaadka iyo hufnaanta oo ah hay’adda cilmibaaristan waxay heysataa fursad ay macluumaadka rajistareeshinka ku jira ee quseeya caafimaadka iyo nololwanaagga ku weydiisato hay’ado dowladeed kala duduwan iyadoo oggolaansho ka qaadanaysa rajistareeshin-hayaha gacanta ku haya rajistareeshinka daryeelka caafimaadka shakhsiga. Isticmaalidda macluumaadka ku jira rajistareeshinka waxaa lagu doonayaa in lagu fududeeyo culeyska ku imaanaya qofka jawaabta bixinaya, sababtoo ah looma baahna in macluumaadka rajistareeshinka ku jira toos loo weydiiyo qofka jawaabta bixinaya.
Macluumaadka qofka waxaa laga soo uruurinayaa nidaamka macluumaadka Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka (ekis Xarunta rajistareeshinka dadka) (Isha cinwaanka: Nidaamka macluumaadka dadka, Xarunta rajistareeshinka dadka, Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka iyo xafiiska dowladda ee Ahvenanmaa, SB 123 00531 HELSINKI). Lambarada telefoonka waxaa laga soo uruuriyay nidamaka macluumaadka ProFinder (ekis LeadCloud). Macluumaadka qofka iyo lambarada telefoonka waxaa loo isticmaalayaa oo kaliya la xiriirista dadka la baarayo iyo ku xirista macluumaadyada rajistareeshinka ee kor lagu soo sheegay lagu xiraya jawaabaha uu bixiyay qofka la baarayo. Markaas kaddib, marka xogta lagu xiro macluumaadka laga helay Kanta iyo rajistareeshinka waxaa xogta cilmibaarista laga saarayaa macluumaadka aqoonsiga ee tooska ah.
Macluumaadyada dadka iyo xogta la uruurinayo ee cilmibaarista waxaa mas’uul ka ah Hay’adda caafimaadka iyo hufnaanta, taas oo iyadoo u hoggaansameysa sharciga ilaalinta macluumaadka iyo waajibka xifdinta sirta uga baaraandegeysaa islamarkaasna u keydineysa agabka si kalsooni ay ku jirto. Dhammaan dadka macluumaadka uruurinaya islamarkaasna ka baaraandegaya waxaa saaran waajibka ilaalinta sirta.
3. Hoggaamiyaha cilmibaarista mas’uulka ka ah iyo kooxda qaabilsan
Hoggaamiyaha cilmibaaristan mas’uulka ka ah waa madaxa qeybta Reija Klemetti.
Cinwaanka: SB 30, 00271 Helsinki
Lambarka telefoonka: 029 524 6000 (sii gudbin)
Cinwaanka emaylka: magaca koowaad.magaca qoyska(at)thl.fi
4. Macluumaadka xiriirka qofka qaabilsan ilaalinta macluumaadka ee THL
tietosuoja(at)thl.fi.
5. Dadka sameynaya cilmibaarista
Cilmibaarista waxaa sameynaya waaxda Carruurta, dhallinyarada iyo qoysaska ee Qeybta Nololwanaagga THL.
6. Magaca, nooca iyo wakhtiga ay qaadanayso cilmibaaristus
Magaca cilmibaarista: Cilmibaarista FinCaruur (FinLapset) – cilmibaarista ummadeed ee qoysaska carruurta dhallaanka ah heysta ee 2020.
- Cilmibaaris halmar ah
- Cilmibaarista la socosho ah.
Macluumaadka laga uruurinayo dadka cilmibaarista ka jawaabaya waxaa la uruurinayaa halmar, laakiin macluumaadka dadka, xogaha la uruuriyay iyo macluumaadyada rajistareeshinka ee la xiriiraba waxaa la keydinayaa islamarkaasna la isticmaalayaa sannado badan uruurintan macluumaadka kaddib. Tani waxay tusaale ahaan suurtagalinaysaa la socoshada xogaha cilmibaarista. Macluumaadka qofka waxaa laga baaraandegayaa oo kaliya marka la isku xirayo rajistareeshinka cilmibaarista loo isticmaalayo. Xilliga la socoshada cilmibaarista waxaa lagu qiyaasayaa in ay qaadanayso labo sannadood macluumaadyada rajistareeshinkana waxaa loo cusboonaysiinayaa hadba sida loogu baahdo inta lagu jiro xilliga la socoshada. Xilliga la socoshada kaddib waxaa macluumaadka calaamadaha aqoonsashada loo beddelayaa qaab qofka macluumaadka ku jira aan dib dambe loogu aqoonsan karin.
7. Sababta sharciyeed ee ka baaraandegista macluumaadka qofka
Sababta ka baaraandegista macluumaadka qofka ee waafaqsan qaanuunka guud ee ilaalinta macluumaad qofka ee Midowga Yurub qodobkiisa 6 qeybtiisa 1 waa sidan soo socota:
U hoggaansamidda waajibka uu sharcigu dhigayo (qaanuunka ilaalinta macluumaadka qodobkiisa 6 qeybtiisa 1 qeyb-hoosaadkiisa c).
8. Macluumaadyada qofka ee aan la shaacin karin
Cilmibaarista waxaa looga baaraandegayaa macluumaadyada qofka ee aan la shaacin karin ee soo socda:
- Macluumaadyada caafimaadka
- Firka ama asalka hore.
Ka baaraandegista macluumaadyada aan la shaacin karaa waxay ku saleysan tahay qaanuunka ilaalinta macluumaadka soo socda qodobkiisa 9 qeybtiisa 2 ama shuruudda gaarka ah ee waafaqsan sharciga ilaalinta macluumaadka qodobkiisa 6:
Ka baaraandegista waxaa lagu xeeriyay sharciga ama waxay la xiriirtaa shaqada loo xeeriyay rajistareeshin-hayaha.
9. Macluumaadyada qofka ee xogta cilmibaarista ku jira
Macluumaadka u gaarka ah qofka: lambarka aqoonsiga ee cunugga jira 3-6 bilood, magaca waalidka, macluumaadyada xiriirka, jinsiga.
Macluumaadka lagu uruurinayo xogta cilmibaarista: macluumaadka nololwanaagga iyo caafimaadka iyo weliba waayo-aragnimada adeegyada.
Macluumaadka rajistareeshinka laga uruurinayo:
Rajistareeshinka carruurta dhalatay (jinsiga cunugga, miisaanka iyo dhirirka marka uu dhashay, macluumaadka caafimaadka cunugga dhalashadiisa kaddib, cudurada laga helay iyo nafaqada uu cunuggu qaatay illaa iyo inti uu ka gaarayay 7da cisho, macluumaadka ku saabsan caafimaadka hooyada mudadi ay uurka laheyd, cudurada laga helay, la socoshada iyo baaritaannada iyo weliba dhalmada iyo caafimaadkeeda dhalmada kaddib).
Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka (ekis Xarunta rajistareeshinka dadka) (lambarka aqoonsiga ee dhallaanka yar iyo uurka mataanaha oo laga qorayo xarfaha isku xiga ee dhallaanka yar, macmuulaadka cinwaanka waalidka, sannadka dhalashada iyo dowladda ay u dhasheen, jinsiga, xaaladda iyo afka hooyo).
Rajistareeshinnada wargelinta daaweynta ee Daryeelka caafinmaadka (macluumaad ku saabsan tegitaanka cunugga ee isbitaallada iyo daryeelka caafimaadka furan iyo cudurada laga helay).
Macluumaad ku sabasan kaalmada xannaaneynta ee ay Keladu cunugga u oggolaatay, gadashada daawada iyo magdhawga daawada iyo fasaxyada qoyska ee cunugga dartiis loo oggolaaday.
Macluumaadka Kanta: calaamadaha cunugga laga qoray ee ku jira Kanta (cudurada laga helay iyo qalliinada).
10. Ilo-wareedyadee ayaa macluumaadka qofka laga uruurinayaa
Macluumaadka qofka waxaa laga soo uruurinayaa nidaamka macluumaadka Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka (ekis Xarunta rajistareeshinka dadka) (Isha cinwaanka: Nidaamka macluumaadka dadka, Xarunta rajistareeshinka dadka, Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka iyo xafiiska dowladda ee Ahvenanmaa, SB 123 00531 HELSINKI). Lambarada telefoonka waxaa laga soo uruuriyay nidamaka macluumaadka ProFinder (ekis LeadCloud).
11. U wareejinta ama u gudbinta macluumaadka meel ka baxsan kooxda cilmibaarista
Sida uu sharcigu qabo, macluumaadka qofka laguma wareejinayo ama looma gudbinayo meel ka baxsan kooxda cilmibaarista. Xogaha la uruuriyay ee cilmibaarista oo laga saaray macluumaadka qofka ayaa iyadoo la marsiinayo qorshaha cilmibaarista iyo codsiga oggolaanshaha isticmaalka ayaa waxaa lagu wareejin karaa in loo isticaalo cilmibaaris.
12. Macluumaadka looma wareejinayo ama looma gudbinayo meel ka baxsan Midowga Yurub ama Soonaha dhaqaalaha Yurub
13. Cilmibaarista laguma sameynayo go’aan gaaris otomaatig ah
14. Mabaadii’da ilaalinta macluumaadyada qofka
Macluumaadka waa in sir ahaan loo xafidaa.
Macluumaadka looga baaraandegayo nidaamka macluumaadka waxaa loo ilaalinayaa sidan soo socota:
- aqoonsiga isticmaalaha
- rajistareynta isticmaalka
- eraysireed
- ilaalinta hab-socodka
Ka baaraandegista macluumaadyada aqoonsiga ee waaweyn:
Macluumaadyada aqoonsiga ee tooska ah waxaa laga saarayaa inta lagu jiro marxaladda lafaguridda.
15. Ka baaraandegista macluumaadyada qofka marka ay cilmibaaristu dhammaato kaddib
Rajistareeshinka cilmibaarista arkiifiyo ayaa la dhigayaa: iyagoo aan laheyn macluumaadyada aqoonsiga ayaa si joogto ah loogu keydinayaa Arkiifiyada qaranka.
16. Xuquuqda macluumaadka la rajistareeyay iyo xadeyntooda suurtagalka ah
Sharciga ilaalinta macluumaadka ayaa qofka la baarayo siinaya xuquuqaad la ogyahay, kuwaas oo uu qofka la baarayo ka hubsan karo hirgelinta ilaalinta waxyaabaha gaarka ah ee ka midka ah xuquuqaadka aasaasiga ah. Haddii qofka la baarayo uu doonayo in uu isticmaalo xuquuqdiisa, hala xiriiro kirjaamo(at)thl.fi.
Xaqa loo leeyahay gelista macluumaadyada (qaanuunka ilaalinta macluumaadka qodobkiisa 15)
Waxaad xaq u leedahay in aad hesho war ku saabsan, in macluumaadkaada shakhsiga ah looga baaraandegayo cilmibaarista iyo waxyaabaha shakhsiga ah ee looga baaraandegayo cilmibaarista dhexdeeda. Haddii aad doonayso waxaad codsan kartaa in nuqul lagaa siiyo macluumaadyadaada shakhsiga ah ee laga baaraandegayo.
Xaqa loo leeyahay sixitaanka macluumaadka (qaanuunka ilaalinta macluumaadka qodobkiisa 16)
Haddii macluumaadyadaada shakhsiga ah ee laga baaraandegayo aysan wada saxneyn ama uu khalad ku jiro, waxaad xaq u leedahay in aad codsato in la saxo ama la dhammaystiro.
Xaqa loo leeyahay saarista macluumaadka (qaanuunka ilaalinta macluumaadka qodobkiisa 17)
Waxaad xaq u leedahay in aad dalbato saaridda macluumaadkaada shakhsiga ah marka lagu jiro xaaladaha soo socda:
- macluumaadyada shakhsiga ah ayaa ah kuwa aan looga baahneyn ujeedooyinki loo uruuriyay ama sida kale looga baaraandegay iyaga dartood
- waxaad ka laabatay oggolaanshaha ay ka baaraandegistu ku saleysneyd, sababo sharciyeed kale oo looga baaraandegayana laha heysto
- waxaad ka soo horjeedaa ka baaraandegista, ka baaraandegistana looma heysto sababo lagu saleeyo
- macluumaadyada qofka ayaa looga baaraandegay si aan sharciga waafaqsaneyn; ama
- waa in macluumaadka la saaraa iyadoo loo hoggaansamayo waajibka sharcigu farayo ee lagu dabaqo rajistareeshin-hayaha ku saleysan sharciga midowga ama sharciga degsan ee dowladda xubinta ka ah.
Ka leexashada xuquuqaadka
Xuquuqaadka looga hadlay barta 16 Xuquuqda aad leedahay iyo ka leexashada xuquuqaadka waxaa looga leexan karaa sababo waafaqsan sharciga degsan ee ilaalinta macluumaadka, marka xuquuqdaadku ay horistaagayaan ama si weyn saameyn ugu yeelanayaan gaarista ujeedada cilmibaarista cilmiyeed ama tan taariikheeda ama tan istaatiistikada ah. Baahida ah in laga leexdo xuquuqaadka waxaa markasta loo qiimeynayaa si mid mid ah.
Xaqa racfaan qaadashada
Waxaad xaq u leedahay in aad racfaan u qaadato xafiiska wakiilka ilaalinta macluumaadka, haddii aad u aragto in ka baaraandegista macluumaadkaada shakhsiga ah lagu jebiyay sharciga shaqeynaya ee ka degsan ilaalinta macluumaadka.
Macluumaadka xiriirka:
Xafiiska wakiilka ilaalinta macluumaadka
Cinwaanka booqashada: Ratapihantie 9, dabaqa 6aad, 00520 Helsinki
Cinwaanka boostada: SB 800, 00521 Helsinki
Sii gudbinta: 029 56 66700
Fakis: 029 56 66735
Emayl: tietosuoja(at)om.fi.