Ogeysiiska ilaalinta macluumaadka ee ku saabsan baaritaannada cilmiyeed TAVATA

28.8.2023

Macluumaad loogu talaggalay dadka ka qaybqaadanaya cilmibaarista

Qaanunka guud ee ilaalinta macluumaadka ee Midowga Yurub, qodobka 12–14.

Warbixintaan waxaa lagu sharraxayaa, sida ay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) u falanqaynayso aqoonsigaga shakhsiyadeed ee cilmibaaritsaan. Asal ahaan ka qaybqaadashada cilmibaaristaan waa mid ikhtiyaari ah. Ma jirato wax dhibaato ama dabaggal aan wanaagsanayn oo kaa soo gaaraya ama aad mutaysanayso haddii aadan ka qaybqaadan cilmibaaristaan ama aad ka qaybqaadashada cilmibaaristaan dhexda ku joojiso. Haddii aad joojiso ka qaybqaadashada cilmibaarista, si kastaba wixii xog ah ee la uruuriyey joojinta ka hor waxaa loo isticmaali karaa cilmibaaraistan. Qaybta 18-aad ee warbixintaan waxaa si faahfaahsan loogu qeexayaa, xuquuqda aad leedahay iyo sida aad saamaynta ugu yeelan karto falanqaynta macluumaadkaaga.

1. Cidda mas’uulka ka ah cilmibaarista

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL)
PL 30, 00271 Helsinki
029 524 6000

Hay’adda kor ku xusan ayaa go’aaaminaysa islamarkaana ka mas’uul ah, ujeeddada falanqaynta macluumaadka shakhsiyadeed ee wargelintaan lagu sheegay, taasoo loola jeedo in ay hay’addu tahay tan maamulaysa oo la soconaysa macluumaadka ama xogta cilmibaaristaan.

2. Shakhsiga lagala soo xiriiraayo arrimaha la xiriira cilmibaaristan

Nimi: Antti Klemettilä
Telefoonka: 029 524 7398
iimeylka: antti.klemettila(at)thl.fi.

3. Sharraxaadda ku saabsan mashruuca cilmibaarista iyo ujeeddada laga leeyahay falanqaynta macluumaadka shakhsiahaaneed

Ujeeddada mashruuca TAVATA- waa sidii loo horumarin lahaa caafimaadka maskaxda ee macaamiisha xerada qaxootiga, iyadoo arrinkaas lagu xoojinaayo xirfadaha wadahadalka caawimaadda ah ee ay sameynayaan shaqaalaha arrinkaas xirfadda u leh. Mashruucaan waa mid lagu hirgelinaayo tababarka xirfadaha wadahadalka caawimaadda ah oo aad u ballaaran, qiimahiisu sarreeyo islamarkaana waqti soconaysa, taasoo loogu talaggalay shaqaalaha xirfadlayaasha ah ee ka shaqeeya xeryaha qaxootiga. Tababarkaan waxbarasho waxaa uu ka kooban yahay maaddooyin waxabarasho oo isku xiran (kuwaasoo ka kooban tusaale ahaan fiidiyowyo, laylisyo la isu diraayo, iyo nidaamka ah iskaa wax u baro), waxaa sidoo kale waxbarashadaas ka mid ah tababar qaadasho dhab ah oo ka dhacaysa degaanka ay shaqadu ka socoto, kaasoo ay shaqaaluhu la samaynayaan macaamiisha xerada qaxootiga. Shaqada horumarineed ee cilmibaarista waxaa asaas u ah, in mashruucu uu hirgelinaayo macmluumaadka cusub ee ku saabsan caafimaadka guud iyo kan maskaxda ee macaamiisha xerada qaxootiga.

Macluumaadka tayada leh ee cilmibaaristan waxaa lagu hirgelinayaa hab horumarineed oo wada jir ah, kaasoo u dhexeeya xirfadlayaasha iyo macaamiisha xerada qaxootiga. Ujeeddadu waa sidii looga baaraandegi lahaa aragtida ay mowduucaan ka qabaan shaqaalaha xirfadlayaasha ah, khubarada iyo macaamiisha xerada qaxootiga ee ka qaybqaadanaya habkaa horumarineed ee wadajirka ah, si tababarka waxbarasho ee lagu xaqiijinaayo mashruucan uu u. noqdo mid sida ugu wanaagsan u waafaqa baahiyihiisa. Habkan horumarineed ee wadajirka ah waxaa uu socon doonaa xilliga cilmibaarista oo dhan, waxaana lagu qaabayn doonaa faham qoto dheer oo ku saabsan baahida caawimaad ee xirfadlayaasha iyo macaamiisha xerada qaxootiga, iyo qaabka ugu wanaagsan ee waxbarashada la diyaarinaayo, sidoo kale horumarinta iyo tijaabinta waxbarashada ka dhalatay arrimaha mashruucaan.

Xog uruurinta waxaa loo samaynayaa qaabab kala duwan: Waraysiyo gaar ah iyo kuwo kooxeed, u kuurgelid, xogweydiin iyo qiimeyn qoraal ahaaneed intaba.

Xogta shakhsiyadeed ee la uruurinaayo ee ku saabsan la soo xiriirista qofka waa magaca, lambarka telefoonka, iimeylka. Macluumaadka la soo uruuriyay ee loogu talaggalay la soo xiriirista qofka, waxaa lagu keydinayaa meel ka duwan macluumaadka aasaasiga ahaa ee ka horreeyay ee ku saabsanaa waraysiga iyo u kuurgelista. Macluumaadka aasaasiga ah ee la uruurinaayo ee xirfadlayaasha waa: Jinsiga qofka, aqoontiisa luqadeed, xiraddiisa, waxbarashada, khibradihiisa sannadeed (xerada qaxootiga) baaxadda degmada (ee halka ay ku taallo xerada qaxootiga). Macluumaadka aasaasiga ah ee la uruurinaayo ee macaamiisha waa: Jinsiga qofka, da’da (18-29; 30-65, wixii ka weyn 65 sano jir)waddanka uu u dhashay, noca sharciga ee uu qofku leeyahay (inuu haysto sharciga qaxootinnimada, maganagalyoddoone qaxootinnimo, ama badbaadada kummeelgaarka ah), muddada uu Finland ku nool yahay, aqoonta luqadeed, baaxadda degmada (ee halka ay ku taallo xerada qaxootiga)

4. Qaybaha hawlaha mashruuca iyo qaybinta mas’uuliyada waa mid ku dhisan qaab wadashaqayn ah

Hirgeliyaha ugu waaweyn ee mashruuca iyo hawlaha cilmibaarista waa hay’adda THL, waxaana mashruuca kala shaqaynaaya Hoggaanka socdaalka iyo ururka MIELI ry.

THL waxaa ay leedahay mas’uuliyadda koowaad ee soo ururinta xogta, kaydinteeda iyo hirgelinta macluumaadka cilmibaarista. Hoggaanka socdaalku waxaa uu ka qaybqaadanayaa hireglinta macluumaadka cilmibaarista illaa xadka qaybaha ku habboon howlihiisa.

5. Hoggaamiyaha ama kooxda ka mas’uulka ah cilmibaarista

Magacai: Anu Castaneda
Telefoonka: 029 524 7848
Iimeylka: anu.castaneda(at)thl.fi.

6. Halka lagala soo xiiriri karo mas’uulka ilaalinta macluumaadka

iimeylka mas’uulka ilaalinta macluumaadka ee hay’adda waa: jarkko.reittu(at)thl.fi.

7. Cidda samaynaysa cilmibaarista

Cilmibaarayaasha waaxda sinnaanta ee hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga, iyo sidoo kale suuraggalnimada ah in ay ka qaybqaataan caawiyayaasha waxbarashada, ardayda jaamacadda iyo macahdka sare ee qoraaya bugga qalinjebinta.

8. Magaca cilmibaarista, nooca iyo muddada ay qaadanayso

Magaca: Xirfadda wadahallada caawinta ah ee loogu talaggalay dadka ku jira xeryaha qaxootiga - caafimaadka maskaxda ee magangalyoddoonka qaxootiga (Mashruuca TAVATA).

Nooca cilmibaarista: Cilmibaaris ama diraasad hal mar ah.

Muddada ay cilmibaaristu soconayso (Illaa iyo muddo intee le’eg ayaa macluumaadka shakhsi ahaaneed la falanqaynaayaa): 01.10.2023–31.10.2025. Intaa wixii ka dambeeya dhammaanba waxyaabaha ku saabsan macluumaadka shakhsi ahaaneed ee xogta cilmibaaristaan waa la baabi’inayaa.

9. Aasaaska sharciyadeed ee falanqaynta macluumaadka shakhsi ahaaneed

Aasaaska falanqaynta macluumaadka shakhsi ahaaneed ee sida uu dhigaayo nidaamka guud ee ilaalinta macluumaadka ee midowga yurub qodobkiisa 6-aad qaybta 1-aad, waa:

Oggolaansho (qodobka 6-aad qaybta 1-aad ee nidaamka ilaalinta macluumaadka).

10. Macluumaadka shakhsi ahaaneed ee xasaasiga ah ama aan la soo shaac bixin karin

Cilmibaarista laguma falanqaynaayo macluumaad shakhsi ahaaneed oo xasaasi ah ama aan la soo shaac bixin karin.

11. Macluumaadka shakhsi ahaaneed ee la falanqaynaayo

Macluumaadka shakhsi ahaaneed: magaca, lambarka telefoonka iyo iimeylka.

12. Ilaha laga soo uruurinaayo xogta shakhsi ahaaneed

Shakhsiga laftiisa.

13. U warejinta ama u dhiibista macluumaadka cid ka baxsan kooxda cilmibaarista

Macluumaadka lama dhiibaayo.

14. U wareejinta ama u gudbinta macluumaadka meel ka baxsan Midowga Yurub ama aagga dhaqaalaha ee Yurub

Macluumaadka looma gudbinaayo meel ka baxsan Midowga Yurub iyo waddamada ku bahoobay ururuka ETA.

15. Go’aan qaadashada tooska ah

Baaritaannada cilmiyeed lagama gaaro go’aan qaadasho otomaatig ama toos ah.

16. Mabaadii’da ilaalinta macluumaadka shakhsi ahaaneed

Macluumaadku waa kuwo sir ah. Ha’yadda ka mas’uulka ah cilmibaarista ayaa diyaarisay qiimaynta ku saabsan saamaynta ay yeelanayaan ilaalinta macluumaadka. Sidoo kale hay’adda mas’uulka ah waa mid u hoggaansan nidaamka sharciyadeed ee xoojinaaya arrimaha shaqadeeda. Ilaalinta xogta gacanta lagu qabto:
Mid xiran oo aan la geli karin.

Macluumaadka lagu falanqaynaayo nidaamka kombiyuutarka:

  • Magaca isticmaalaha
  • Erey-sireedka
  • Diiwaangelinta isticmaalka
  • Ilaalinta la socodka ama dhaqdhaqaaqa.

Falanqaynta macluumaadka aqoonsiga ee tooska ah:

Xogta aqoonsiga ee tooska ah waxa la saarayaa inta lagu guda jiro marxladda falanqaynta.

17. Falanqaynta macluumaadka shkahsi ahaaneed, kaddib marka cilmbaaristu ay dhammaato

Xogta cilmibaarista waxaa loo keydinayaa qaab qarsoodi ah, iyadoo aan la garanayn macluumaadka aqoonsiga ee tooska ah.

Xaggee ayaa xogta lagu kaydinayaa, muddo intee le’eg ayaase la kaydinayaa: Arkiifiyada hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga.

18. Xuquuqaha qofka la diiwaangeliyay iyo xadaynta suuraggalka ah

Sharciga degsan ee ilaalinta macluumaadka ayaa dammaanad qaadaya xuquuqaha gaarka ah ee la baaraha, kuwaasoo qofka la baaraayo uu ku xaqiijin karo xuquuqaha aasaasiga ah ee ka kooban hirgelinta ilaalinta gaarka ah. Haddii aad doonayso inaad isticmaasho xuquuqahaaga, waxaad la soo xirirtaa xafiiska Kirjaamo-da. Qofka lala xiriiri karo ee ku xusan qaybta 2-aad.

Baajinta ama oggolaanshaha (Qodobka 7-aad ee nidaamka ilaalinta macluumaadka)

Waxaad xaq u leedahay baajinta ama ka noqoshada ogoolaanshahaagii aad bixisay, haddii, falanqaynta maclumaadku ay tahay mid ku salaysan oggolaanshaha. Baajinta oggolaanshaha wax saamayn ah kuma lahan sharciyadda habraaca ee arrimhii la falanqeeyay baajinta ka hor.

Xaqa helitaanka macluumaadka (nidaamka ilaalinta maclumaadka, qodobka 15)

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho macluumaaadka ku saabsan arrinka ah, in macluumaadkaaga shakhsiyadeed lagu falanqaynaayo cilmibaarista iyo inkale, sidoo kale waxaa haddii aad doonayso aad codsan kartaa nuqulka ama koobiga macluumaadka shakhsiyadeed ee la falanqaynaayo.

Xuquuqda sixitaanka macluumaadka (nidaamka ilaalinta maclumaadka, qodobka 16)

Haddii macluumaadkaaga la falanqaynaayo uusan saxsanayn oo khaladaad uu ku jiro, waxaad xaq u leedahay inaad codsato sixitaanka ama dhammaystirka macluumaadka.

Xuquuqda joojinta ama saarista macluumaadka (nidaamka ilaalinta maclumaadka, qodobka 17)

Waxaad xaq u leedahay inaad dalbato joojinta ama saarista macluumaadkaaga xaaladaha soo socda:

  • Mardambe looma baahna ujeeddadii macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed loo uruuriyay, ama iyada awgeed loo falanqeeyay
  • inaad baajisay ama kansashay oggolaanshihi falanqaynta lagu saleeyay, mana jirto wax sabab kale oo sharci ah oo falanqaynta lagu saleeyo
  • Waad diiddan tahay falanqaynta, mana jirto wax sabab kale oo sharci ah oo falanqaynta lagu saleeyo
  • Falanqaynta macluumaadka waa mid ka soo horjeedda sharciga; ama
  • Macluumaadka shakhsi ahaaneed waa in la saaraa ama la tirtiraa, iyadoo lagu salaynaayo sharciga ururka ama sharciga waddanka xubinta ka ah
  • U hoggaansanka waajibaadka sharci ee ku habboon hay’adda ka mas’uulka ah cilmibaarsita.

Ka leexashada xuquuq sixitaanka

Qaybtaan ah sharaaxadda laga bixiyay xuquuqaha ee 18 Xuquuqda aad leedahay iyo ka leexashada xuquuqdaas, waxaa dhici karta in laga weeciyo ama laga leexiyo waxyaabaha lagu saleeyay sharciyada ka degsan ilaalinta macluumaadka, qaybta ah marka xuquuqahaas ay horistagayaan ujeeddada cilmiyeed ee baaritaanka ama taariikhda cilmibaarista, ama in la gaaro ujeeddadii laga lahaa ee tirakoobka ama ay si aad u weyn u adkaynayaan. Baahida loo qabo in xuquuqaha wax laga leexiyo waxaa loo qiimeyn doonaa xaalad mid mid ah, oo midba goonideeda ayaa loo qiimayn doonaa.

Haddii aad doonayso inaad xuquuqdaada isticmaasho, waxaad la soo xiriirtaa xafiiska kirjaamoda.

Halka lagala soo xiriiraayo

Haddii aad doonayso inaad xuquuqdaada isticmaasho, waxaad la soo xiriirtaa xafiska kirjaamoda, ama qofka lala xiriirayo ee lagu sheegay qaybta 2-aad.

Xaqa ah in arrinka falanqayntiisa loo gudbiyo wakiilka ilaalinta macluumaadka

Waxaad xaq u leedahay in aad arrinka falanqayntiisa u gudbiso xafiiska wakiilka ilaalinta macluumaadka, haddii aad u aragto in sharciga ilaalinta xogta la jebiyay markii la falanqaynaayay macluumaadkaaga shakhsi ahaneed.

Halka lagala soo xiriiraayo:

Xafiiska wakiilka ilaalinta macluumaadka
Cinwaanka la tago: Ratapihantie 9, 6. krs, 00520 Helsinki
Cinwaanka boostada: PL 800, 00521 Helsinki
Xiriirinta telefoonnada: 029 56 66700
Fakiskai: 029 56 66735
Iimeyl: tietosuoja(at)om.fi.