Tallaalka HPV (Human papillomavirus) wuxuu dadka ka difaacaa cuduro kansar ah oo badan
Tallaalka HPV wuxuu dadka ka difaacaa kansarka iyo waxyeellooyinka halista ah ee uu sababo fayraska papilloomaha. Kansarka uu keeno fayraska papilloomaha wuxuu ku dhacaa ragga iyo dumarka.
Ereyga HPV waa erey la soo gaabshay oo ah Human Papilloma Virus, waxaana macnihiisa af-finishka ah uu noqonayaa ”fayraska papillooma”.
Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada waxaa ay tallaalka HPV ku heli karaan lacag la’aan ama bilaash.
Tallaalku waxaa uu qayb ka yahay barnaamijka tallaalka ee heer qaran. Dalka Finland gudihiisa dhammaan carruurta da’doodu u dhexeyso 10-12 sano jir oo ah ardayda dhigata fasallada 5-6.aad, waxaa ay tallaalka HPV ku heli karaan lacag la’aan ama bilaash.
Haddii ilmaha ama qofka dhallinyarada ah aysan sabab jirtaa awgeed ku qaadan tallaalka HPV fasalkii 5-6.aad, waxaa uu tallaalka HPV ku qaadan karaa isagoo lacag la’aan ah xilliga uu dhiganaayo fasallada 7-9.aad ee dugisga dhexe, dugsiga sare ama iskuulka xirfadda.
Tallaalku wuxuu ka kooban yahay laba qaybood oo tallaal ah. Ilmaha buuxiyay da’da 15-ka waxa la siinayaa saddex tallaal.
Waa muhiim in tallaalka wakhti hore la qaato
Fayrasyadan papilloomaha ah waa kuwo guud. Haddii aan dhallinyarada laga tallaalin, waxaa dhici karta in badankood uu cudurku ku dhaco inta ay yar yihiin. Waxa fayraska lagu kala qaadaa maqaarka iyo xuub-xabeedka, inta badan xilliga galmada. Qofku wuu qaadi karaa fayraska isaga oo aan si toos ah qofka kale ula galmoon. Sidaa darteed ayaa xitaa cinjirka komdhomka ah uusan si buuxda uga difaacayn qofka qaadista cudurka.
Tallaalku wuxuu aad waxtar u leeyahay marka qofka la siiyo inta uu yar yahay, markaas oo ay u badan tahay in uusan weli caabuqu ku dhicin. Marka uu qofku dhallinyarada yahay, unugyada jirku waxaa ay soo saaraan difaac aad u wanaagsan. Haddii cudurku uu qofka ku dhaco ama uu qaado, tallaalku ma daaweyn karo cudurka, laakiin haddana tallaalku wuxuu ka hortagi karaa in ay mustaqbalka ku dhacaan caabuqyo kale.
Tallaalka HPV waa tallaal dadka siiya difaac aad u fiican
Caabuqa uu keeno fayraska papilloomuhu, waa mid aan wax astaama ah lahayn oo muddo kadib iska baaba’aya, laakiin 10-kii qof ee kastaa mid ayuu cudurku ku daba dheeraadaa oo ku keenaa marxaladda koowaad ee bilowga kansarka, kuwaasoo u gudbaaya in ay noqdaan kansar. Hore looma sii ogaan karo, qofka uu kuu dhacaayo kansarka.
Khatarta ugu weyn ee kansarka waxaa ay la xiriirtaa laba fayras oo papillooma ah (noocyada fayrasyada ee 16 iyo 18), taasoo tallaallada isku xiga ee la qaadanaayo ay yihiin kuwo siinaya qofka kahortag aad u wanaagsan. Cilmibaarisyada la sameeyey waxaa ay caddeeyeen, in kahortaggaasi uu yahay mid muddo aad u dheer jiraaya, dhabahaantii illaa iyo tobaneeyo sano.
Tallaalka HPV waxaa uu kahortagayaa dhowr nooc oo kansar oo kala duwan
Tallaalka HPV waxaa dalkan Finland looga hortagi karaa sannadkiiba qiyaas ahaan 300 oo kansar oo ay dadku qaadi lahaayeen. Kuwaasi saddex meeloodow meel waa kansarka ragga ku dhaca.
Fayrasyada papilloomaha waxay keenaan:
- Kansarrada ku dhaca marinka ilmogaleenka
- Qayb ka mid ah kansarka ku dhaca xubinta taranka ee dumarka iyo inta muuqata ee sabiisha
- Qayb ka mid ah kansarrada ku dhaca madaxa iyo agagaarka qoorta
- Qayb ka md ah kansarrada ku dhaca xubinta taranka ee ragga
- Qayb ka mid ah kansarrada ku dhaca daloolka futada
Waxa inta badan dumarka ku dhaca kansaraka marinka ilmogaleenka, raggana waxaa ku dhaca kansaraka qumanka. Waxa dhici karta in qayb ka mid ah kansarrada uu fayrasaka papilloomuhu keeno aan waqti hore la arag. Noocyadaas kansarrada ah waxaa looga hortagi karaa tallaalka HPV-ga.
Faa’iidoyinka uu leeyahay tallaalkan HPV awgeed ayaa mustaqbalka waxaa dhacaysa in uu xanuunku uu ku dhaco ama ay u dhintaan tiro aad uga yar ee inta ay hadda ku dhacaan cudurrada kansarka ee kor lagu soo sheegay.
Tallaalku wuxuu sidoo kale kahortagaa waxyeellooyinka kale
Isbeddelka uu fayraskan papilloomuhu ku keeno unugyada jirka, waa kuwa khafiif ah oo u baahan in lala socdo. Qofka ay tahay in xaaladdiisa lala socdo, waxaa ku dhici kara cabsi iyo welwel.
Isbeddelka unugyada ee noqday marxaladda koowaad ee kansarka khatarta ah iyo kansarka waxaa lagu saraa qaab qalliin ahaan ah. Waxyeellooyinka ay leeyihiin qalliimada noocaas ah iyo khatarta ka dhalanaysa waa ay kala duwan yihiin, iyadoo ay ku xiran tahay hadba meesha jirka ka midka ah ee qalliinka lagu sameeyay. Tusaale ahaan qalliinka lagu sameeyo madaxa iyo agagaarka qoorta, waxaa uu keenaa waxyeellooyin la xiriira wax liqista, hadalka iyo muuqaalka kore.
Qalliinka lagu sameeyey ilmogaleenka iyo marinka ilmogaleenka, waxaa uu keeni karaa madhalaysnimo ama ummulid wakhtigeeda ka horraysa.
Faa’iidoyinka uu leeyahay tallaalkan HPV awgeed ayaa mustaqbalka waxaa looga badbaadi karaa qalliimo waawayn iyo sidoo kale teraabiyada shucaaca iyo daryeelka saytostaatik.
Tallaalka HPV waa mid la yaqaan oo ammaan ah
Dalkaan Finland gudihiisa tallaalka HPV waxaa uu ka mid noqday barnaamijka tallaalka ee heerka qaran sannadkii 2013-kii.
Ammaanka tallaalka HPV waxaa loo baaray si aad u ballaaran. Adduunka oo dhan waxaa sannadihii 2000 tallaalka HPV la bixiyay qiyaastii boqollaal milyan, waxaaana la xaqiijiyay in ay ahaayeen kuwo ammaan ah.
Sida dawooyinka kale oo dhanba, tallaalkan HPV wuxuu keeni karaa waxyeellooyin. Sikastaba dhammaan tallaalladaas ma lahan waxyeello. Waxyeellooyinkaas kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah tusaale ahaan, meesha la tallaalay oo xanuunta ama cassaan noqota, madax-xanuun, lallabo, murqo-xanuun ama dirrimaad.
Astaamahaasi waxay inta badan ku bilowdaan dhowr maalmood gudahooda laga soo bilaabo maalinka tallaalka la qaatay, waxaana ay ku baaba’aan dhowr maalmood gudahood. Waxaana astaamahaas lagu daryeeli karaa iyadoo la qaato daawooyinka xanuun baabi’iyayaasha ah.
Waxyeellooyinka aadka u daran sida falcelinta xoogga leh ee xasaasiyadda, waa kuwo aad dhif u ah.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kansarrada uu keeno fayraskan papilloomaha, waxa aad ka helaysaa kalkaalisada caafimaadka ee iskuulka ama kalkaalisada caafimaadka ee wali ardayga ah.