Xarumaha taageerada ee Seri ee ku yaalla Finland

Xarumaha taageerada ee Seri waxaay daryeelaan oo ay caawiyaan dadka la soo kulmay jidh dil jinsi ah

Xarunta taageerada adiga ayaa doonan kara, qof kuu dhow ayaad u kaxaysan kartaa ama waxaa kugu hagi kara sarkaal dowladeed. Xarunta taageerada ee Seri waxaad caawimaad ugaga heli kartaa hal meel. Macaamiilka haddii loo baahdo waxaa laga hagi karaa xarunta taageerada waxaana lagu hagi karaa adeegyo kale oo baahidiisa gaarka ah ku habboon.

Waxaa xarunta taageerada ee Seri laga helaa

  • baadhitaan caafimaad oo qaybta sharciga iyo caddaaladda ah
  • daryeel caafimaad
  • taageero xaalad argagax marka lagu jiro ah
  • talobixin cilmu-nafsi ku salleysan
  • haddii loo baahdo in lagugu hago taageero dheeraad ah.

Xarunta taageerada ee Seri waxaa tagi kara dhammaan dadka 16 sano jirsaday oo jinsi kasta ah. Baadhitaanka iyo daryeelku macaamiilka mar walba waa u lacag la’aan.

Baadhitaanka ama daryeelka si loo helo dadka 18 sano jira uma baahna in ogaysiis booliska ah sameeyaan si ay daryeelka u helaan, xattaa haddii lagu dhiirgaliyo.

Xarunta taageerada ee Seri waxaa la tagi karaa muddo hal bil ah oo marka ay kugu dhacday jidh dilka jinsiga ah. Xarunta taageerada marka hore in la soo waco ayaa habboon.

Xarunta taageerada ee Seri waxqabadkeedu wuxuu ku salleysanyahay heshiiska guud ee loo yaqaano heshiiska Istanbul ee guddi Midowga Yurub ee lagaga hor tagayo jidh dilka iyo gacanqaadka qoyska dhexdiisa ah ee dumarka loo gaysto. Heshiisku wuxuu waajib ugaga dhigayaa dalalkaas in ay aasaasaan xarumo taageero oo si fudud loo heli karo oo loogu talo galay dhibbaneyaasha jidh dilka jinsiga ah.

Macluumaad dheeraad ah

Xarunta taageerada ee Seri ee kuugu dhow meesha ay ku taallo iyo sida loola xidhiidhi karo waxaad ka heli kartaa www.thl.fi/seri